Waxaa qoray Colum McCann
Wax ka qor waxa aad rabto in aad
ogaato. Kaba fiican, wax ka qor waxa aadan aqoon. Qoraalka fiican waa mid adiga
kaa baxsan. Sidaa kaliya ayuuna gudaha ugu gudbaa. Cusboonaysii waxa ay dadka
kale qiimatireen. Quus wax dhaafsan qor. Xaqiiqada ka cadlifal. Gudcurka ka
ilays daaro. Caloolyawga la tixgeliyay ayaa aad uga fiican kan aan la
tixgelin. Ka digtoonow wixii laabqaboojin aad ah ku siiya. Rejada iyo
rumaysashada inta badan way ku dagaan. Maxaa daw ah haddaba? Caradaada wadaaji.
Caabbi. Cambaaree. Dhabar-adayg lahow. Dhiirranaan lahow. Dul lahow. Sadarrada
aan juuqin waxa ay muhiim u yihiin sida kuwa shanqara. Ku kalsoonaw qalin
baluuggaaga, balse ha illoobin qalin guduudkaaga. Cabsi ogolow. Ha wacdin. Awaalka
u dood abuur. Shaki ku ibofur. Sahmiye noqo, dalxiise ha noqon. Meel ay cidna
gaarin gaar, gaar ahaan meel quruxeed, qurux weyn. Hagaajin u halgan. Faahfaahin
doorbid. Afkaaga sooc ka yeel.
Sheeko waxa ay bilaabataa ereyga
kowaad inta aan la qorin. Waxa ay dhammaataa muddo ka dib ereygeeda ugu
dambeeya. Ha qalqalin. Akhristahaaga ku kalsoonow. Run aan meesha ool daaha ka
qaad. Isla markabana, madaddaali. Dharji rabitaanka loo qabo dhabta iyo
baashaalka. In badan ayaa lagaa qaadi karaa – xitaa noloshaada – laakiin ma lagaa
qaadi karo qisooyinka noloshaada. Haddaba, kani waa erey uu kalgacal ka marnayn
oo aan ku leeyahay qoraa da’ yar: Qor.
