Waxaa qoray: Caadif Khaliil
Warbixinno
tiro badan oo ay tobanlihii ugu dambeeyay soo saareen Oxfam iyo ururro la mid
ah ayaa waxa ay muujiyeen farqiga hantiyeed ee dhakafaarka leh ee u dhaxeeya
tanaadka iyo saboolka. Waxa aan ogaanaynaa, [hantiilayaasha adduunka oo ah] 1%
aadka mudnaanta loo siiyo in ay leeyiihiin ku dhowaad kala bar wadarta hantida
dunida taalla. Qeyb aad u sii yar oo iyaga ka mid ah (.0000002705%), oo u
dhiganta 2153 bilyineer ayaa leh in u dhiganta inta ay haystaan
lixdan-boqolkiiba saboolka dunida. Tobanka nin ee caalamka ugu taajirsan ayaa
leh isugaynta hantida dalal badan, sida Baraasiil iyo Isbayn. Siddeedda ugu sii
taajirsan waxa ay leeyihiin in ka badan inta ay haystaan kalabarka saboolka ah
ee dadweynaha caalamka oo dhan. Intaana kuma eka.
Kuwa
ay qeybtan [hantiyeed] aan sinnayn sida aadka u taban u saamaysay waa kuwa
dhaqaale ahaan u qatan––oo ay tiradoodu dhayal ka fog tahay. Waxaa si gaar ah
dhibaato u leh raadka ay xaaladdan ku yeelanayso da’yarta. Hal bilyan oo carruur
ah oo caalamka ku filiqsan ayaan heli karin nafaqo, nadaafad, biyo nadiif ah,
hoy iyo waxbarasho. Waa xaalad lagu tilmaamo “saboolnimo farqabadan”. Waxaa
intaa dheer 365 milyan oo iyaga ka mid ah in ay ku nool yihiin “faqri xad-dhaaf
ah,” lana sheego in ay nolosha ku maareeyaan $1.90 maalintii.
Covid-19,
sicirka tamarta oo kordhaya, iyo sicirbarar guud ayaa uga sii daray farqiga
hantiyeed ee caalamka. Halka ay in ka badan 160 milyan dad dhan ku ceyroobeen
labadii sano ee ka dambeysay safmarka, hantida tobanka nin ee dunida ugu
taajirsan waxa ay korortay in ka badan labalaab. Marka loo eego qiyaaso dhow,
natiijada sinnaanli’idan ayaa noqotay in ugu yaraan kow iyo labaatan kun dad
gaaraya ay maalinkii dhintaan––afartii ilbiriqsi hal qof (qiyaasahanna waa kuwa
ugu roon). Magaaladayda Alberta-eed ee Lethbridge oo ku taalla mid ka mid ah
dalalka ugu hodansan caalamka, waxaan si dhow ugu aragnay saamaynta dhaqaale ee
safmarka, marka ay tiro aan la arag oo dadka hoy la’aanta ah jidadka ku soo
yaaceen. Sawirkaa baan u joognay, dhab ahaan, magooliyinka kale ee Kanada waa
la mid. Dhanka kale na, hantida bilyineerada dalka ayaa 57.1% siyaadday.
Inkasta oo ay sababaha dhibaatada nuucan ah lakabya-badan tahay, waxaa cad in ay dhaliishu u wada ciirayso nidaamka dhaqaale ee caalamka, hantigoosi uusnuug ah oo aan shaqo abaal siin ee hantiilayaasha siiya, oo aan hunguri-laawaha caddibin balse kuwa caydan u daran. Qoddobo badan, laga soo billaabo canshuur ka dhuumashada iyo galaangalka siyaasadeed ee ay taajiriintu ku danaystaan illaa tiiraanyada shaqada mushaarka-yar ee codlaawayaasha aan mudnaanta la siin, waxa ay sameeyeen gacan sii fidaya oo u dhaxeeya wax-walba-haystayaasha iyo wax-laawayaasha caalamka, iyaga oo nolosha “looma-ooyaanka arlada” saboolka, ka dhigay dagaal luggooyo ah oo ay ugu jiraan badbaadadooda.
Inkasta
oo badi innaga mid ah awood la’aan ku dareemayaan wajahidda awoodda-weyn ee
dhaqaale iyo siyaasadeed oo ay bahalnimadeedu maalinba sii korayso, waxaan
karnaa, midkeen kastaba, tabaheenna gaarka ah ee kooban, in aan ka qeyb
qaadanno dhimaalka ugu yaraan qeybo ka mid ah sinnaanli’idan haddii aan qaabka
nolaanshaheena fudeydino, oo aan raacinno bixinta sadaqo ballaaran. Waan ka
wada qeyb qaadan karnaa, aan soo amaahdo erey Yahuudeed, tikkun; howsha
bogsiinta, hagaajinta, iyo baanashada daqarrada dunida.
Warbixinno
dhawr ah ayaa wax ay muujiyeen xitaa canshuur qeybeed tanaadka dunida laga
qaado, oo dhanka saboolka loo weeciyo, in ay keeni karto in ay helaan adeegyada
seeska u ah nolosha. Balse sida uu hadda xaal yahay, cidna uma joojinayso.
Sakada
Islaamku farayo ayaa muslimiinta tusisa doorroonida nolosha wax baxsiga.
Hubaashii, waa wax weyn in tiir ka mid ah shanta tiir uu xoogga saarayo ka
warqabka [dhaqaalaynta] qofka kale isaga oo ka dhigaya xuddunta wacyiga
diineed. Sida ku xusan xadiiska caanka ah, “Mu’minku ma ahan qofka caloosha
buuxsada deriskiisa oo baahan.”
لَيْسَ الْمُؤْمِنُ الَّذِي يَشْبَعُ وَجَارُهُ جَائِعٌ.: قال سيدنا رسول الله ﷺ
Markanna
“deris” waxaa la siin karaa macne cusub iyada oo caalamka la la meel dhigayo
xaafad. Waxaa lagu doodi karaa, marka la eego hantida maanta dunida taalla iyo
qeybinteeda sinnaanli’ida xun, in aysan taariikhda soo marin waqti looga baahi
badan yahay muhiimadsiinta in la dhaqamaysto qaayasoorka sadaqada.
U
abtirinta ereyga zakaat waxa ay leedahay wax ka barasho, maaddaama ay nagu
caawinayso fahanka wanaagsan ee falsafadda dhaqaale ee Islaamka. Ereygu waxa uu
ka dhalanayaa saddax-xarafka z-k-y, oo la macne ah “in la hagaajiyo” kaas oo
aan ka soo qaadanno ereyga cilmiyeed ee tasawufka udubdhexaadka u ah, tazkiyatu
nafs, “hagaajinta nafta”(Qur’aan: 91:9).
قَدْ أَفْلَحَ مَن زَكَّىٰهَا
Aragtidu
waa in hantideenna ay u baahan tahay nadiifin. Inkasta oo ay run tahay in
badankeen aanan ku kicin xatooyo mutaxan iyo lunsasho, badideen sida ay u badan
tahay, ogaan iyo la’aanba, waxa aan gacanta kula jirnaa isdhaafsi lacageed aan
habboonayn ama su’aal la galin karo. Suurtagalnimada taa waxaa si gaar ah
xoojinaya caalamka, sidaa uu yahay, ay qeexdo isku-tiirsanaanta dhaqaale.
Kulligeen waxa aan ku xiran nahay shabakado lacageed oo ballaaran oo ay
gaaristoodu u gudbayso meelo madow iyo kuwo la iska faa’iidaysto, kuwaa oo ay
mararka qaar kaliya innaga xigi karaan xoogaa yar oo fogaan ah. Iyada oo dhibic
dhibic ku soo gudbaysa, qeyb ka mid ah hantidaa wasaqaysan ayaa koontooyinkeena
bangi ku dhici karta – ha ku timaado xoogga carruur la shaqaaleeyay ama
dhiigmiirashada shaqaale. Marka, ka bixinta waxa aan helno, gaar ahaan siinta
saboolka waxa aan ku nadiifin karnaa waxa noo soo hara, si intaa soo hartay,
inta aan ku bixinayno nafaheena iyo kuwa aan jecelnahay ay barako u yeeshaan –
taas oo ah isha hodantinimo aan koobmin.
Su’aal
kama taagna in mid ka mid ah faa’iidooyinka sakada, iyo taa ka gadaal, sadaqo
kastaba ay ka gudabsan tahay waajibaadka Shareecadu farayso – oo Muslimiintu
waxa ay ogyihiin in lagu boorriyay in ay “dar Alle” wax u baxsadaan in ka badan
inta laga rabo – arrinkaa oo keenaya iska-goyn [adduunyo] ama suhdi. Insaan
ahaan waxa aan u janjeernaa laxajecleysiga waxa aan leennahay, xaqiiqadu na waa
in na laga qaadi doono waxa oo dhan. Hantideenna iyo lahaanshaheena ayaa noo ga
lumi doona siyaallo awooddeena ka baxsan, ama annaga ayaa na la qaadi doonaa –
oo ay geeri na la tagi doontaa. Haddii aan sadaqada joogtaynteeda badino waxaa
noo kordhaya fadiilada suhdiga, kobcinta suhdigana waxa ay noo sahlayaa inaan
wax iska-goyno oo aan wax baxsanno – maaddaama suhdigu ku salaysan yahay, ugu
yaraan qeyb ahaan, aqoonta xiriirkeena abuur ahaan cimriga gaaban ee aan
adduunka la leenahay. Waxaa jira xiriir ah giraan, ilays-u-bax (heliotropic) oo
u dhaxeeya labadaa fadiilo, sida ay u jiraan lidkooda oo ah baqaylnimo iyo hunguriweynaan.
Midba mid ayuu koriyaa.
Fadiilooyinka
iska-goynta iyo deeqsinimadu waxa ay xididdo fog ku leeyihiin sunnada. Suhdiga
iyo fudaydinta nolosha ee Nabiga ﷺ
waa la wada yaqaan, oo dhammaad ma lahan sheekooyinka werinaya qeybahaa
shaqsiyaddiisa ah ee ku soo arooray kutubada siirada. Sidaas oo kale ayaa loo
ga sheekeyn karaa haddiyad-siintiisa iyo sadaqa-bixintiisa. Qaadi Ciyaad (dh.
1149) kitaabkiisa al-Shifaa' bi tacriif xuquuq al-Musdafaa, cutubka ku saabsan
deeqsinimada Nabiga ﷺ, waxa uu ku xusayaa
sida ay saxaabadu ugu tilmaami jireen [in] “wax la weyddiistay uusan waligii
diidin,” in uu ahaa “dad midka ugu deeqsisan,” in uu “wax u bixin jiray sida
nin aysan saboolnimo cabsi ku hayn.” Qodobkan dambe ayaa aad muhiim u ah,
maaddaama aan moodno marka aan wax bixinno in aan wax waayeyno, oo aan
nafaheenna u ban dhigayno la’aan maaddeed, dhibaato iyo xitaa cayr. Sunnadu si
taa ka duwan ayay na baraysaa, waana qodob ay soo wada hadalqaadaan inta badan
diimaha caalamka.
Khatarta
waxsiinta (sadaqo iyo si kale) waxaa ka mid ah in qofka bixinaya, ogaan ama
la’aan, uu fisho qofka uu wax siinayo inuu abaal uga haynayo. Isaga oo quuddaraynaya
qiimaha lacageed ee waxa uu bixiyay ayuu fishaa inuu bixinta wax ku helo –
isaga oo falkii u beddela wax isdhaafsi; ama ba ka daran, billowga hore ba, wax
dheefka uu naawilayo ayaa ku dhaliya wax bixinta. Waa sababta uu Immanuel Kant
si fiiradheer ugu fiirsaday in dadka qaar necbeystaan in ay wax ka qaataan
dadka kale, maxaa yeelay waxa ay liidaysaa xiriirka kala dhexeeya kuwa
wax siinaya – oo waxa aysan jecleysanayn ka mahadcelinta ku waajibaysa.
Islaamka,
kuwa ka warhaaya dabeecadda dhagareed ee nafta, waxa ay ahaayeen kuwo aad ugu
soo jeeda suuragalnimada arrinkan, oo waxa ay ku xusi jireen khilaawayntooda ku
aaddan ikhlaaska; baahida loo qabo in la hubiyo waxa qofka ku qaadaya in uu wax
bixiyo in aysan noqon wax aan ahayn raalligalinta Alle. Muhiimadda gaaridda
xaaladdan waxaa aad u boorrinaya Qur’aanka. Waxa uu qeexayaa siyaalaha ku
suuban sadaqada, oo dadka sakada iyo sadaqada dhiibaya waxaa lagu boorriyaa in
ay nafahooda xasuusiyaan, laabtoodana galiyaan, “Waxa aan idiin siinaynaa Alle
dartii, mana idinka doonayno abaalmarin iyo mahadnaq middoodna.” (Qur’aan
79:9).
إِنَّمَا نُطْعِمُكُمْ لِوَجْهِ ٱللَّهِ لَا نُرِيدُ مِنكُمْ جَزَآءًۭ وَلَا شُكُورًا
Waxa
ay ka mid tahay sababaha uu Ruumi (dh. 1273) xertiisa ugu sheegi jiray in
sababta uusan ugu mahadnaqayn marka ay u adeegaan aysan ka ahayn aqoondarro ka
haysata mahadcelinta, balse ay tahay in uu rabo in ay abaalkooda oo dhan Alle
ka helaan. Aan soo xiganno ereyadiisa:
Haddii aan idinla muuqdo mid dayacaya shukriga iyo la dhicidda iyo ka mahadnaqa naxariista iyo kaalmada aad ii muujisaan si toos ah iyo si dadban; ha u qaadanina in ay iga tahay kibir iyo xirribdarro, ama ay sababtu tahay in aan aqoon faa’iidada ay leedahay qof abaal loo galay in uu wax ka dhaho oo uu ka falceliyo. Waxa aan ka dharagsanaa saxarli’ida iimaankiina, iyo in aad arrimahaa u samaynaysaan si ikhlaas leh Alle dartiis; sidaa darteedna Alle ayaan abaalcelintiina u daayay. Haddii aan idiin mahadnaqi lahaa oo aan idin ammaani lahaa, waxa ay ka dhignaan lahayd abaalka aad dhan Alle ka heleysaan in qeyb hore loo sii bixiyay.– Jalaaluddiin Ruumi
Mid
ka mid ah faa’iidooyinka waxbixinta caqiiddada ku dhisan waa in ay meesha ka
saarayso rabitaanka qofku rabo in ay wax uga soo laabtaan qofka uu wax siinayo,
amaba [uu iska gado] qolada saddaxaad ee wanaagga u filaysa qofka wax la siinayo.
Tabaalaha lagu jiro, arrinkan waxa uu ka dhigan yahay in aan waxba laga raadin
sadaqo deeqsinimo leh oo loo yaboohay qof u caydan. Ugu yaraan Muslimiinta (iyo
dadka la wadaaga aragtidan xaqiiqeed) – waa in aysan ka raadin faa’iido si toos
ah ama dadban, ama beddel la taaban karo waxa uu doono ba ha ahaadee. Isla taa
waxa ay kuwa kaalmada hela ka xoreynaysaa in lagu tashto ama ay u arkaan qaan ay ku leeyihiin kuwa wax siiyay, maddaama kaalmada ay heleen ay tahay mid ka
timid Korreeyaha kaligii wax bixiya – Al-Wahaab.
Sida
ay warbixinnada Oxfam muujinayaan, waxa aan ku noolnahay adduun ay badnaanta
iyo yaraantu labadaba astayeen. Inteenna meesha [maal] badnidu saldhigtay ku
nool waxaa nagu bannaan in aan la wadaagno inteenna kale ee aan haysan. Taa waa
in loo maareeyo qaab dhowraya sharafka iyo karaamada qofkasta oo wax la
siinayo, maxaa yeelay nasiibku in uu halmar wareego ayaa qaar hadda wax haysta
waxii oo dhan waayi karaan. Taariikhda tusaalayaal sidaa ah waa ka hodan.
