Showing posts with label Qoraal. Show all posts
Showing posts with label Qoraal. Show all posts

Warqaad Ku Socota Qoraa Da’ Yar

 

Waxaa qoray Colum McCann

Qabo waxyaabaha aan tirsiimo galin. Daacad noqo. Dhab ha kaa ahaato. Kor wax u akhri. Khatarta u bareer. Ha ka cabsan in aad debecsanaato xitaa haddii ay dadku jileec ugu yeeraan. U diyaar garow in lagu xagxagto: way dhacdaa. Inaad carooto isu ogolow. Kuf. Joogso. Diidmooyinka aqbal. Dhicidda ka tamar qaado. Naf isgali. Ashqaraar. Xilka nolosha kaaga aaddan ku aad. Akhriste aad ku kalsoonaan karto raadi. Dib kalsooni u sii. Arday noqo, macallin ha iska dhigin, xitaa haddii aad wax dhigto. Huuhaadaada ha rumeysan. Haddii aad qaadato falcellinada wanaagsan, waa inaad aqbashaa kuwa xun. Iyada oo ay sidaa tahay, dhaleeceyn ha isla dhicin. Qalbi adayga iska jir. Wajah, niyad-xumayaasha ayaa halqabsiyada naga haleeli og. Dhiirro: ma ahan kuwo sheekooyinkooda ebyi kara. Rumeyso itaalka waaraya ee waxa wanaagsan. Caqabadda ku raaxayso. Waxaadan bixin karin haka didin. Caalamiga maxalliga ka dhex raadi. Afka aammin – jilaaga wuu iska imaanaa, habdhaca sheekadana, ugu dambayn wuu soo muuqanayaa. Isa sii dhiirrigeli. Sida loox meel ha qotomin. Sidaa waa aad ku sii jiri kartaa, laakiin waxba kuma qori kartid. Qofnimada ka gudub. Muuji in aad nooshahay. Codkeenna waxa aan kala soo baxnaa codadka dadka kale. Akhriska ka durduurro. Ku daysi samee. Cod kaaga ah yeelo. Hees.

Wax ka qor waxa aad rabto in aad ogaato. Kaba fiican, wax ka qor waxa aadan aqoon. Qoraalka fiican waa mid adiga kaa baxsan. Sidaa kaliya ayuuna gudaha ugu gudbaa. Cusboonaysii waxa ay dadka kale qiimatireen. Quus wax dhaafsan qor. Xaqiiqada ka cadlifal. Gudcurka ka ilays daaro. Caloolyawga la tixgeliyay ayaa aad uga fiican kan aan la tixgelin. Ka digtoonow wixii laabqaboojin aad ah ku siiya. Rejada iyo rumaysashada inta badan way ku dagaan. Maxaa daw ah haddaba? Caradaada wadaaji. Caabbi. Cambaaree. Dhabar-adayg lahow. Dhiirranaan lahow. Dul lahow. Sadarrada aan juuqin waxa ay muhiim u yihiin sida kuwa shanqara. Ku kalsoonaw qalin baluuggaaga, balse ha illoobin qalin guduudkaaga. Cabsi ogolow. Ha wacdin. Awaalka u dood abuur. Shaki ku ibofur. Sahmiye noqo, dalxiise ha noqon. Meel ay cidna gaarin gaar, gaar ahaan meel quruxeed, qurux weyn. Hagaajin u halgan. Faahfaahin doorbid. Afkaaga sooc ka yeel.

Sheeko waxa ay bilaabataa ereyga kowaad inta aan la qorin. Waxa ay dhammaataa muddo ka dib ereygeeda ugu dambeeya. Ha qalqalin. Akhristahaaga ku kalsoonow. Run aan meesha ool daaha ka qaad. Isla markabana, madaddaali. Dharji rabitaanka loo qabo dhabta iyo baashaalka. In badan ayaa lagaa qaadi karaa – xitaa noloshaada – laakiin ma lagaa qaadi karo qisooyinka noloshaada. Haddaba, kani waa erey uu kalgacal ka marnayn oo aan ku leeyahay qoraa da’ yar: Qor.

 

Bilkeedada Kun Habeen


Ray Bradbury oo ahaa qoraa ku caan ah sheekooyin nooca khayaalka cilmiyeed ayaa mar bixiyay talo ku aaddan qoraalka iyo noqoshada qoraa. Waxa uu ku taliyay in muddo kun habeen ah, habeen walba la akhriyo; hal maqaal, hal maanso iyo hal sheeko oo gaaban. Waa talo xiise leh. Sida muraadkaygu yahay, waxa ay ila tahay in samaynta tajrubadaa laga heli karo waxtar loo aayo – xitaa haddii aan qoraa lagu noqon. Ugu yaraan waxaa halkaa ka dhalanaya qof xog iyo xikmad uu nolosha ammuuraheeda siriqsan ku falkiyo siyaadsaday.

Inkasta oo aan ahayn mid joogtaynta iyo ku adkaysiga arrimaha uu billaabo ku fiican, bal aan markan isbilkeedo oo aan naftayda ku jarribo akhrinta hal maqaal, hal maanso iyo hal sheeko habeen kasta, muddo kun habeen ah (hadduu Alle idmo). Kun habeen waa soddon iyo saddex bilood ku dhowaad oo u dhiganta laba sano iyo toddobo bilood.

Maxaan akhrinayaa? Ma wax walba? Maya. Waxa aan akhrinayaa in xulan oo ku qoran buugaag lagu soo ururiyay maansooyin, maqaallo iyo sheekooyin gaagaban - iyo in filaqsan oo ururintayda ah. Waxa aan ku akhrinayaa Af Soomaali, Ingariisi aan badanaa wax ku akhriyo iyo Carabi aan xoogsado.

Af Soomaaligu maansada ayuu hodan ka/ku yahay, sheekada gaaban wali waa ka sabool, maqaallada lagu dhigayna badanka ma korana oo meelo hoose kama wareegaan. Ingariisiga waxa aan xoogga saarayaa waxsoosaarrada aan ahayn kuwa Ingariis, Maraykan amaba aan dhaho reer Yurub  ee Ingariisiga lagu soo tarjumay. Suugaanta tarjuman ee aan hamuunta ba'an u haayo waa tan dadkayga madow ee Afrika (in deggan iyo in dooshay), waxaa soo raaca kuwa Shiinaha, Jabaan, Ruush iyo Qaarad-u-egta Hindiya.

Waxaan rabaa akhrisyadaydu in ay ahaadaan kuwo ku salaysan waayo iyo marxalado kala duduwan. Haddii aan karo waxa aan ka soo billaabayaa bilowga taariikhda la yaqaan ee insaanka iyo ilbaxnimooyinkii isxigxigay ee dugoobay, inkasta oo aan tabtaa xiisaynayn.