Heesaha
bar baa kugu dhaliya xasuuso olol kugu shida, ku debciya, ku dejiya oo
qalbigaaga qooya inta dhabannadaadu aysan hoos ugu soo hoorin illin aan ceshi
yeelan. Malaha sida ay tahay in farxadda lagu heeso ayay tahay murugada in loo
gu heeso. Hal hees ayaa maalintaada beddeli karta isma lahayn; inskasta oo aan
qirsanahay awoodda saamayska leh ee fanka kiisa sarreeya. Waa hal hees oo
dhamaystiran, oo dhanka la iska taagaba waa mid kaalinteeda buuxinaysa.
Dhammaysnimadeeda ayaa siinaysa dheeraad iyo dhadhan faneed gaar ah.
Waa
hees Benaadiri ah. Waa uurkutaallo iyo gocosho ay kashu la ruqanayso, miyirku
la ruqaansanayo, dareennaduna riyaaq iyo dhaawac wada jira la gubtaanyoonayaan.
Waa hees la wehliyo oo malaha qof ama aan iraahdo dad amran ayaa wada sameeyay.
Hadda oo galab ah ayaan markaygii labaad (subax dhowayd ayaa maqalkeeda iigu
horreysay) ku ceshceshanayaa dhowr jeer. Dhagaysiga heesta waxaa iila jira
qisada gabar yar oo Rebecca la yiraahdo. Waa geerida xanuunka leh ee Rebecca oo
uu aabbaheed ka sheekeynayo.
Heestu
albun dhan ayay ka qeyb tahay oo waxa ay ku soo baxday riwaayad la yiraahdo Jisaarkii
Jaceylka. Riwaayadda ma daawan laakiin albunkan heesaha riwaayaddu ku dhan
yihiin ayaan dhagaystay. Heestan “Yaa muslinoo midigtayda qabtaa” ayaa aad ii
soo jiidatay. Waa calaacal iyo lurhadal. Heesaagu sida aabbaha Rebecca ayuu lurhadlayaa oo uu doonayaa in ay dadku dhibta la wadaagaan. Inkasta oo
qisooyinkoodu isku mid ahayn oo tan Rebecca ay dhab tahay, haddana wax badan
ayay wadaagaan. Labadaba waxa ay i noo sawirayaan xanuunka ay leedahay in aad
weyso qof aad jeceshay, qof kugu weyn oo aad qalbigaaga siisay.
Yaa muslimoo midigtayda qabtaayee
Oo murugtaan iga mooti karaayee?
Heesta
iyo xasuusreebka aabbahu waxa ay wadaagaan dareengudbin saamays leh. Qisada
Rebecca iskeed ayay u xanuun badan tahay oo waa qisada canug dhimanaysa oo uu tebeniyo
aabbe jecel. Heesta dhankeeda inkasta oo heesaagu catawgiisu ku geeriyaad
gaarsanayn haddana waa uurkutaallo wada da’ysa oo ereyada, luuqda, laxanka iyo
muusiga heestu waa murugooyin dhawaaqaya. Waa ooyin af faneed ku gudbaysa.
Heestan
yaabka leh illaa hadda ma aqaan cidda samaysay iyo heesaaga! Albunka ay ku
jirto wax warbixin ah ma lahan oo nasiibdarro codadka heesaayaasha Benaadiraga si fiican
uma kala aqaan. Heesta ayaa i taabatay oo aan jaceyl u qaaday sidaa darteed
ayaan qoraal uga qoray, si runtii ka xaalad duwan ayay qisada Rabecca iyaduna ii
taabatay.
Waa
tan heestii ee halkan ka eeg (daqiiqadda 10:16 illaa 16:00) ama hoos ka akhri. Haddii aadan reer Xamar ahayn (yacnii
aadan ku korin), aadan xiisayn fanka Benaadiraga ama aadan Benaadiri ahayn way kugu adkaanaysaa in aad afguriga
fahanto ee beddelka dhagayso kaliya ama isu-kaasho.
|
Meel
oon ku miirsanaayee Muragaan
ka doortayee Mixnadaan
inaan maraayee Ma
mudaynin maalintooyee! |
Calaacalkaa
ayuu heesaagu ku furfuranayaa. Waxa uu na siiyay baaq iyo fure inoo sheegaya
inuu lur hadli rabo; marba hadduu yiri “shiddadan dhan inaan marayo habbeenna
kuma seexan… |
|
Muraadkii aan lahaayee Moolaas ku dhacayee Mixno aa isoo maagtee (2*) Maxaa ku miirsan karee Mid i maagay manaan waayee* Yaa ii maslaxeehaayee Yaa muslimoo Midigtayda qabtaayee Oo murugtaan iga mooti kaaraayee? |
Heelee hiblow
wayaabaalee Heelee hibolow
wayaabaalee |
Middi ii maciini jirtee Midigteey ka muuqatayee Ma ka maarmi karee magaceed Maxaa ku miirsan karaa Mid i maaga manaan waayee Yaa ii maslaxeehaayee Yaa muslimoo Midigtayda qabtaayee Oo murugtaan iga mooti kaaraayee? |