Showing posts with label Taariikh. Show all posts
Showing posts with label Taariikh. Show all posts

Dhalashada Ergaygii Furqaan

 

“Rasuulkii sharfta mudan iyo

Dunida shaaca looga dhigay…”

Waxaa jira rag rag dhaafay oo adduunka ay yimideen dhanka kale u rogay. Raggaasi waa dhif iyo mar-la-arag. Nebiga, Muxammad bin Cabdullaah , ayaa raggaa ugu sita – sida aan filayo in ay tahay qiimeynta qof kasta oo raadkiisa raacraacay iyo qof kasta oo rumeystay diinta Islaamka uu Alle la soo diray. Raggaa rag dhaafay nuuc walba ayuu lahaa(n) oo qaar shar ku suntan yahay, waa sababta aan Nebiga ugu ag xusayn, waayo nebigu wuxuu astaan u yahay wanaag oo dhan, sida ay naanaystiisa Suubane ka marag kacayso.

Suubanahu wuxuu ahaa ergey dhambaal, Furqaan, sida. Ergeyguna waa taboole u jidbixaya fartiinta uu wado – xal iyo xeel middii ay ku kacdo. Xeel marka aan leeyahay kama wado dhagar ee waxa aan u socdaa qorshayn rogrogan, dhiifoon oo abbaar leh. Ergeyntiisa Tanziilka Rabbi waxa ay muujisay inuu ahaa qofkii ugu mudnaa ee Alle ku galladasiiyo gudbinta ereygiisa. Bashar Alle wehliyo, garabdaar iyo karaamooyin leh, inuu ahaa marka laga yimaado, ergaynta suubunahu waxa ay lahayd astaamo u suuragal ah hoggaan walba oo ruuxdiisu gob tahay.

Tilmaamahaa, kulansigoodu naadirka yahay, ayaan kalkan dhalashadiisa ku xusayaa. Waa saddax sifo ay tahay qofkii hoggaan ah ee himilooyin ummadeed xambaarsan inuu laabta u daayo, uu shifaysto! Kolkii dad loo ergaynayo ama laga ergaynayo waa in ay noqoto; tu akhlaaq leh, aftahamo leh oo awood leh. Si kooban ayaan uga hadlayaa tilaamahaa ay ergaynta Nebigu  ku suntanayd.

Waxaa xusid mudan tilmaamaha ergeynta inaan hordhigay tuduc ka mid ah Qasiidada Muxammadiya ee Imaam Muxammad bin Siciid bin Xamaaad al Buusiirii.


Ergayn akhlaaq leh (مُحَمَّدٌ طيِّبُ الأخْلاقِ والشِّيَمِ)

Nebigu dhambaalside mabaad’i akhlaaqeed ka duula oo ku duula ayuu ahaa. Sooyaalkiisa laga ma soo helayo isaga oo fartiintii loo ergeystay burinaya, ka hor imanaya ama isdabamaraya. Anshaxa iyo ruuxdiisa xalan waxay ka dhimbiil qaateen Qur’aanka uu basharka u siday. Sida la weriyo dhaqankiisu gebi ahaan waxuu ku sal lahaa Qur’aanka, oo qof iimaankiisa dano ba’aya u qalloociya ma ahayn. Wa lagu dayay in, adduunyada uu mid lacnadan ku sheegay, lagu siro – laakiin mar walbaba natiijadu waxa ay ahayd hungo dhabarka loo ga jabay.

Waa la dhibaateeyay, la jirrabay, saaxiibo gacalkiis ah ayaa la bahdilay oo la silciyay; oo shiddadaa way gayaysiin waysay in la iibsado, waayo ergayntiisu, walow ay amranayd, waxa ay lahayd akhlaaq. Waa mid ka mid ah sababaha loo majeerto insaan kasta oo gaara bar qiime gooyaa jirin, insaanka ka dhabbeeya karaamada lagu galladay ee aan damiirkiisa shilimaad lagu gorgorin.

Nin saaxiibkey ah ayaa ku kaftan dhableeya, “raqiis maahi!” waa run oo qofna ma ahan in uu raqiis noqdo amaba qaal, siiba qof uu Nebi Muxammad tusaale u yahay. Qofna ma ahan in dani seeteyso oo ay gayso suuq intuu dhowran lahaa lagu baayici karo. Qofku ma ahan inuu waayo iimaan gaarsiiya nafhur gaarsan inuu maaddada sululuqa ah ka doorbido qaayaha culus ee uu qof ahaan leeyahay.

Akhlaaqda sarreysa ee mabda’ ku taagnaanta marka laga yimaado, Nebiga teeda asluubta iyo dhaqan wanaagga ah tusaalaheeda jismiga leh ayuu ahaa. Sawraciisa ayaa akhlaaqdu ku tolan tahay oo sooyaalkiisa ayay ku milan tahay. Xitaa kuwo Islaamka uu garwadeenka u ahaa ku kufriyay ayaa taa u qiray! 


Ergayn aftahamo leh (مُحَمَّدٌ صادِقُ الأٌقْوَالِ والكَلِمِ)

Burjiwanaaggiisa waa inuu adeegsiga afkiisa Alle u sahlay. Waxaa sidoo kale la dhihi karaa isagaa Carabiga karaamo huwiyay, oo sababay in balaayiin dad ah (in kor u dhaafaysa 2 bilyan) farriintii la la soo diray ku akhriyaan – iyaga oo si toos ah afka ugu hadli aqoon.

Codkar Carabi barax la’ ku xarroogada ayuu ahaa. Waxaa la isla qirsan yahay inuu aftahamada ku horreeyay. Waa maragmaddoon lagaga bogan karo xadiisyada laga weriyay.

Aftahamadiisu ma ahayn been abuur iyo madalhufid, ka dhaacdhicin aan dux lahayn, sida hoggaannada waayahan lagu yaqaan, ee sida uu Imaam Buusiirii ku tilmaamay, waxa ay ahayd mid dhab ah oo runsheeg ah. Waxa ay ahayd aftahamo manhaj Rabbaani ah ku aroorta. Waa tu ku daaban murti iyo ereyga kiisa san. Waxa ay gaar la tahay runsheegidda, debecsanaanta iyo isu-dhuldhigga.


Ergayn awood leh (مُحَمَّدٌ كاشِفُ الغُمَّاتِ وَالظُّلَمِ)

Nebigu  xeel iyo tab buu yiqiin oo garasho dheer oo curisa buu lahaa. Inta uu awood wax maquunisa qooqaayaasha ku edbiyay, waxaa ka badan inta ay fartiintiisa ruuxaaniyeed ku filnaatay oo mugdiga ka faydday laabo uu hareeyay. Kala oodan inta uu awood ku soo dumay iyo inta ereygiisa ku hanuuntay. Sidaa oo ay tahay, isaga ayaa na baray, kolka ay xaq joogto; oo ay si gar ah iyo majare qumman in nolosha lagu wado noqoto, ninka uu warranku galin in uu waranku galo. Xaqudirir iyo halgan uu dhiiggiisu hooray ayuu ku mideeyay ummad kalataggeedu gaarsanaa; nin walow taagtaa, hadday dedaashana lahayd; nin walbow tolkaa – sida Soomaalida waayahan.

Reero Carbeed, dulmigu ku dhex gaaxday, mayee aawadii la doobbiyay, oo tuulooyin omos leh goor walba isku laaya ayuu ka soo saaray awood sidda dhambaal korran oo legedday boqortooyooyin arlada ku kibray. Awooddaa dhambaalka sidday ujeedkeedu ma ahayn sida uu kal dambe noqday (kursi kala riixasho) ee waxa uu ahaa in insaanka wadna-kurkurka iyo gudcurka uu dhex yuururay laga gobeeyo. Ergaynimadu waxay daarnayd in dadka qabbaannimada iyo addoonsiga dhiggiis laga kor yeelo oo abbaannimada Boqorka mudan la baro. Inkasta uu halgankii waranku qarniyadii Nebigu ammaanay la god galay, kii ereyga ayaa inuu labalexaadsaday, saammayntiisu carro Eebbe wada sintay – oo illaa maanta la caabbin la’ yahay.

Waa halgan lagu seesay ergeyn awood leh oo aan ka suuragal ahayn cid aan ahayn midka uu Alle u doortay iyo qofkii ku dayanaya, Sayyidunaa al-Mukhtaar .


وَمَنْ تَكُنْ بِرَسُولِ اللهِ نُصْرَتُهُ
إِنْ تَلْقَهُ الأُسْدُ فِي آجَامِهَا تَجِمِ

وَلَنْ تَرَى مِنْ وَليٍّ غَيْرِ مُنْتَصِرٍ
بِهِ وَلاَ مِنْ عَدُوٍّ غَيْرِ مُنْقَصِمِ

أَحَلَّ أُمَّتَهُ فِي حِرْزِ مِلَّتِهِ
كَاللَّيْثِ حَلَّ مَعَ الأَشْبَالِ فِي أَجَمِ

كَمْ جَدَّلَتْ كَلِمَاتُ اللهِ مِنْ جَدَلٍ
فِيهِ وَكَمْ خَصَمَ البُرْهَانُ مِنْ خَصِمِ


Maxamed Sheekh Cismaan “Edmondo”


Waxaa qoray, Maxamed Trunji

Qoraalkan ma ahan qof-ka-hadal (biography) ku saabsan Maxamed Sheekh Cismaan Xayle “Edmondo” (1913 - 1958). Waa ka sheekeyn ku saabsan ninkaa, siyaasi uu magaciisu meel muuqata ka joogay saaxada siyaasadda Soomaaliya dabaqyaaqadii Dagaalkii Labaad ee Dunida. Maxamed “Edmondo” (ma ahan “Il Mundo” sida khaldan ee lagu sheego), waxa uu ku dhashay degaan ku yiil duleedka Muqdisho sanadkii 1913. Da’da toban jir ayuu ku agoontoobay, waxa uu Muqdisho ugu yimid eeddadii si uu ula noolaado. Nasiibdarro iyadana muddo yar ka dib ayay geeriyootay. Ka dib waxaa lagu daray koleejada Consolata Beyt ar-Raas ee Mishinarigii Katooliga halkaas oo uu Maxamed Sheekh Cismaan isaga oo yar dugsiga hoose uga aflaxay.

Sanadkii 1932 ayaa laga shaqaalaysiisay maamulkii Royal Government of Somalia, isaga oo karaani ka noqday maamulka waddooyinka-tareennada. Waxaa xigay, isaga oo aan shaqaale ka dallacin in meelo kale loo bedbeddelo; dawladda dhexe, sanaddo badan iyo shaqooyin goobo kala duwan sida Mustaxiil, Baraawe iyo Marka. Ugu dambayn,  shaqaale qunsuliyad ayuu noqday. Qunsuliyadda Guud ee Talyaaniga, Bombaay (Hindiya) ayuu ka shaqeeyay, ka dibna tan Cadmeed ee Yeman. Sanadkii 1939 ayuu dalkiisa ku soo laabtay oo waxaa loo diray Komosaariyaha Shabeellada Sare.

Markii Ingariisku wada qabsaday Soomaaliya, shaqadii maamulka waa uu isaga tagay, isaga oo u go’ay howlo ganacsi yaryar oo si muuqata ayuu ugu biiray noloshii siyaasadeed.

Aragtiyihiisa siyaasadeed waayaha ayay la korayeen: 1946 ayuu ku biiray Ururkii Leegada oo u noqday Xoghayaha xafiiska Beladweyn. Sanadkii 1947 wuu isaga tagay Leegada waxa uu na ku biiray xisbiga African Union of Somalia, oo uu hoggaan u noqday. Sanadkii 1956 magaca xisbigiisa ayuu u beddelay “Somali Democratic Party” walina isaga ayaa hoggaan u ahaa. Sanadkii 1958 waxa uu dib ugu biiray Leegada.

Markii Talyaanigu soo laabtay 1950, maamul wisaaya ahaan, oo ay Qaramada Midoobay u igmatay dowlad gaarsiinta Soomaaliya muddo gaaban oo tobanle ku siman, Maxamed Sheekh Cismaan illaa saddax jeer oo isxigxigta ayaa loo magacaabay Qunsul Dhuleed "Territorial Councilor" illaa 1956 jagadaa laga baabi’iyo. Dhowr mar ayuu Soomaaliya ku metelay Golihii Wisaayada iyo Kulanka Guud ee Qaramada Midoobay, mar walba isaga oo Soomaaliya ka socda. (Il Corriere della Somalia 20 June, 1958)

Sanadihii ugu horreeyay muddadii ximaayada waxaa jirtay xurguf siyaasadeed oo u dhaxeysa maamulkii Talyaaniga iyo xisibigii dalka aqlabiyadda ku lahaa ee SYL. Khilaafyada labada dhinac u dhaxeeyay waxaa sii huriyay garab istaagga ay xisbiyada “Pro-Talyanka” loo bixiyay ay ka helayeen maamulkii jiray. Iyada oo arrintu sidaa tahay, habeen ay ku began tahay 6 Maarso, 1952, Maxamed Sheekh Cismaan oo ahaa Qunsulka Dalka, ayaa iyada oo ay habeen gucur ah ay tahay waxaa qashqashaaday niman afar ah. Inta uu mid la hadlayay ayuu mid kale biskoolad kaga toogtay lugta iyo madaxa. Nasiibwanaaag Qunsulku waa ka badbaaday isaga oo uusan dhaawac weyn gaarin.

Booliiska ayaa fuliyay howlgal amni oo lagu baadigoobayo dadkii ka dambeeyay fal dambiyeedkaa waxuushnimada ah. Ilo Ingariis ah oo Muqdisho ku sugnaa ayaa xusaya in booliisku soo qabqabteen dad gaaraya 700 oo la la xiriirinayay iskudayga dil. Tirada ku xusan warbixinta Inagriiska (TNA  FO 371/96646, March 27, 1952) inkasta oo ay u egtahay mid aad loo ga badbadiyay, haddana waa la rumeysan yahay in dhowr qof lagu qabqabtay Muqdisho. In badan oo loo soo xiray in su’aalo la weyddiiyo  ayaa la sii daayay maalinkii xigay, halka qaar kale oo badan, gaar ahaan kuwa aan guryaha lahayn loo masaafuriyay degaannadii ay asal ka yimaadeen. Qunsulka shaki uga ma jirin in dambiilayaashu ahaayeen koox burcad ah oo la la xiriirinayo Leegada – oo astaanta xisbiga ayay xirnaayeen . Hasa ahaatee, Leegada ayaa fal dambiyeedkaa iska fogaysay, hoggaankeeduna waa uu cambaareeyay, inkasta oo loo arkayay iskudayga dil in ay iyaga ka dambeeyeen.

Maxamed Sheekh Cismaan iyo Qaddiyadda Soomaali Weyn

Maamulkii Talyaaniga oo ka gowsqaba guushii lexaadka lahayd ee 1954 Leegadu ka gaartay doorashadii golayaasha deegaanka, iyo waxtar la’aanta xisbiyadii yaryaraa ee uu maamulku laftiisa taageerayay, ayaa dhalisay in xisbiyadii yaryaraa ay isku noqdaan hal xisbi oo siyaasad leh, oo iskii isutaagi kara si uu u la tartarmo Leegada doorashooyinka mustaqbalka. Maamulku waxa uu aad uga walaacsanaa natiijada ka dhalan kartaa haddii uu ka tago nidaam xisbi kaliya ah – xorriyadda ka dib.

Natiijadii dhalatay ayaa noqotay xisbi siyaasadeed cusub oo la aasaasay 1954, magaciisuna yahay “Partito Democratico Somalo” (Xisbiga Dimuquraadiga Soomaaliyeed). Xisbigu waxa uu mideeyay xisbiyadii yaryaraa ee loo aqoon jiray Conferenza. Xisbiga cusub waxaa hoggaaminayay Cabdullaahi Xaaji Maxamuud “Insaaniya”, xubnaha kale ee xilalka hayay ay ka mid ahaayeen: Maxamed Muuse Faarax (Hoggaamiye ku xigeen), Maxamed Sheekh Cismaan “Edmondo” (Xoghaye Guud), iyo Xaaji Yaxye Maxamed (Madaxa Maaliyadda). (TNA FO 371/10810, July  26,  1958,  1954). Xisbigu waxa uu u ololaynayay in nidaamka bulsheed ee asalowga ah tartiib looga gudbo, iyada oo loo marayo hagaajin dhaqaale, bulsheed, siyaasadeed iyo dowladnimo nooceedu yahay jamhuuriyad midaysan oo leh maamul daadegsan. (Article 5, Somali Democratic Party Statute).

Siyaasi ahaan, Maxamed Sheekh Cismaan, mar walba waxa uu si cad oo wax-ku-ool ah u taageeri jiray siyaasad lagu doonayo in dib Soomaaliya loo gu soo celiyo dhul walba oo af Soomaali loo ga hadlo ee dalal kale hoostaga. Waxaa jira laba hadal oo xasuus leh oo uu ka jeediyay laba madal oo kala duwan oo uu ku taageeray qaddiyadda Soomaali Weyn.

(1) Isaga oo ka hadlaya martiqaad uu sameeyay, Danjire Giovanni Fornani, maamulaha cusub ee Soomaaliya loo soo magacaabay, Qunsul Maxamed Sheekh Cismaan ayaa muranka xudduudka Soomaaliya iyo Itoobiya waxa uu ka yiri:

Mushkiladda hadda werwerka nagu haysa waa midda ku saabsan xadaynta xudduudka nagala dhaxeeya Itoobiya. Waa mushkilad aan rabno in loo maareeyo qaab aan lagu tumanayn [aysan ahaynna in lagu tunto] gaabisyadeenna iyo baahiyaha dhaqaale ee dadkeenna illaa heer la hoosaasiyo xaquuqaheenna sharciga ah iyo danaheenna. (Il  Corriere della Somalia, 17 Aprile , 1950).

(2) Mar kale 4 Oktoobar, 1951, intii lagu gudajiray furitaanka kalkii saddaxaad ee Territorial Council oo Muqdisho ka dhacay, Qunsul Maxamed Sheekh Cismaan waxa uu Enrique De Marchena  (Jamhuuriyadda Domeenika), madaxii hawlgalka QM ee booqashada ku yimid la soo hadal qaaday arrinka xudduudka ku-meelgaar ah ee Itoobiya iyo dhibaatada dhaqaale ee uu Soomaaliya u horseedi karo haddii ay dhulkeeda wayso. Waxa uu yiri:

Aan ku dhaqsado in aan qiro; ma jiro Soomaali abid ka tanaasulay qaddiyadda Soomaali Weyn. Dhab ahaan, arrinka gaar baan u dhigannay intii ay socdeen wadahadalladii ku saabsanaa aayaha Soomaaliya ee ka dhacay Harada Success. Hasayeeshee, inta uusan Talyaanigu Ingariiska talada kala wareegin, xudduudaha saddax jeer baa la beddelay iyada oo aan marna lagu salayn isir iyo maangal midkoodna. Markii xudduudaha la bedbeddalayay innaga raalli ka ma ahayn, xitaa innaga oo diiddan ayaa xudduudaha la dhigayay lana beddelayay. Qeybaha hadda Soomaaliyada jirta laga gooyay waa dhul ku fiican beerashada iyo dhaqashada xoolaha, oo waliba loo badinayo inuu macadan hodan ku yahay. (Afis, Bollettino mensile, Novembre 1951, p, 7)

Xisbiga Dimuquraadiga Soomaaliyeed waa uu ku riiqday doorashooyinkii koowaad ee 1956, oo guud ahaan 3 kursi ayuu helay dalka oo dhan. Maxamed Sheekh Cismaan oo xisbigiisa ka socda ayaa loo doortay dibutaati (xildhibaan) ka soo gala Ceel-Buur. Golaha Sharcidejinta markii la yagleelay waxaa laga dhigay Xogahayaha Golaha.

Waxa uu ahaa codkar karaan leh, oo waxaa ka muuqday ka go’naan iyo aqoon mug leh marka uu ka doodayo mudnaanta su’aalaha lagu lafagurayo Baarlamaanka. Bogga tacsida ee wargeyska “Il Corriere della Somalia” ayaa tacsidiisa waxa uu ka qoray: “Maxamed Sheekh Cismaan oo marka koowaad ahaa Qunsul Dhuleed, mar dambena noqday Xildhibaan Golaha Sharcidejinta, waxa uu hadwalba doodaha u yeeli jiray xamaasad ay wehliso hadalka inuu dhexda uga dhaco. Taas marar qaar isqabqabsi ayay dhalisay. Tilmaan gaar ah oo muujinaysa sida nafjecleysiga ka maran ee uu howshiisa ugu diranaa. Doodihiisu markasta waxa ay ahaayeen kuwo cuskan ukuurgal soofaysan iyo aqoon ballaaran uu u lahaa arrinka laga doodayo.” (Il Corriere della Somalia 19, June, 1958)

Maxamed Sheekh Cismaan Xayle waxaa, 18 Juun, 1958, cimrigiisa gaabiyay xanuun uu muddo la ildarnaa, isaga oo aan wali dhamaysan muddo xileedkiisa koowaad ee xubinnimada Baarlamaanka, isaga oo aan wali arag madaxbannaanidii uu muddo dheer naawilayay oo ay ka harsan tahay in ka yar laba sano. Waxa uu ku aasan yahay Masjidka Sheekh Mukhtaar Sheekh Maxamed Cali Maye oo ku yaalla Wardhiigley, Muqdisho.

 

Talyaaniga oo Afrika ka Tagaya


Warqaad uu qoray David E. Reed – (Maarso 11, 1955) oo ku socota Md. Walter S. Rogers, agaasimihii xilligaa ee Institute of Current World Affairs.

Md. Rogers,

Warqaaddaan waxa aan billaabay intii lagu guda jiray booqashadaydii Soomaaliyadi hore ee Talyaaniga (ex-Italian Somaliland) bishii Jannaayo. Waan waday [qoristeeda] aniga oo ku jira mashquul safar iyo howlo kale oo culus oo aan ku maray Keenya iyo Yugaandha bishii Febraayo. Toddobaadkan ayaan ku dhammeeyay Koongada Biljamka, aniga oo doon uga safraya webiga Koongo [degaanka] Stanleyville[1] kuna jeeda Léopoldville[2].


Waxa ay ahayd shantii galabnimo Axad ah iyo Muqdisho, caasimadda waxii ahaan jiray Soomaaliyadi Talyaaniga ee hadda ah dhulka Soomaaliyeed ee ku hoos jira maxmiyadda Qaramada Midoobay. Kafeteeriyaha wadada-dhinaceeda ku yaalla ee Albergo Croce del Sud ama Hoteelka Iskutallaabta Koonfure waxaa buux dhaafiyay dad u soo baxay in ay ku layrsadaan. Galabkii oo dhan kuleyl ayaa jiray oo daaqadaha magaalada oo dhan qorraxda dhiirrida ah ayaa la ga xiray. Laakiin hadda cadceeddu waa ay u sii dhacaysaa qaaradda Afrika oo ugu dambayn xoogaa waa qabow. Jiilaashigii (monsoon) ayaa si aad ah uga soo rogmanaya dhanka Badweynta Hindiya. Geed timireedka ku teedsan Corso Regina Elena, oo hoteelka hor marta, ayaa dabayshu mar ba dhan u la ruxmay. Maryaha miisaska kafeteeriyaha dusha ka saarnaa [dacalladooda] ayaa geesaha hoose ee miisaska la gu xejiyay si aysan dabayshu waddada ugu tuurin.

“Meeshan way noo ga dhammaatay.” Ayuu yiri Giuseppe. Waxa uu ahaa nin gaaban, Talyaani dhalinyar oo xoog leh, tima-caddays Toscana ka soo jeeda, oo Soomaaliya muddo saddex sano ah la joogay hay’ad maaraysa ayaxa (Desert Locust Control). “Shan sano ka dib waan tagaynaa, meeshanna kuwan ayaan ku dhaafaynaa.” Ayuu u yiri si yasid leh. Waxa uu u dan lahaa koox dhalinyaro dub-madow oo Soomaali ah oo dharka reer galbeedka ku lebbisan, miis nagu xigana fadhisay. Xilliyadii Faashiistaha loo ma ogolaan lahayn in ay fadhiistaan Croce del Sud ama meel kale oo ay Talyaanigu ku badan yihiin. Laakiin maalmahan Soomaaliya waa mid tii hore ka duwan. Talyaanigu kaliya waxa ay la gaar yihiin kalaabyo qaas ah, balse dhammaan hoteellada, maqaayadaha iyo baararku waxaa tagi kara qof walba. “Bal halkeen aadayaa haddii ay madaxbannaani helaan?” ayuu yiri Giuseppe. “Yaa ba sheegi kara? Talyaaniga shaqo ma taal, in Maraykan la tagana aad bay u adag tahay.”

Soomaalida oo ah muslimiin [khamro] cabidda ka caaggan ayaa waxa ay koobab yaryar ku cabbayeen qaxwe madow oo qaraar. Waxa ay u hadlayeen si xanshaashaq ah oo hugun leh. Soomaalidu waxa ay can ku yihiin tabo in ay maleegaan, waa tiiyoo ay xornimo gaarayaan 1960 haddii la gaaro, marka qorshayn iyo siyaasadayn badan baa u yaalla.

“Na keen, aan baxno.” Ayuu yiri Giuseppe. Joogista Soomaalida ayuu dhibsanayay. Waddada Regina Elena ayaan ku taruusnay waxa aan dhaafnay dhisme qaraweyn, cad oo ay daaqadihiisu leeyihiin [habka] toox-qaanseedka Maqaaribta. Berigii ay Soomaaliya gumeysiga Talyaaniga ku jirtay dhismuhu waxa uu ahaan jiray xarunta duqa magaalada. Maarshaalkii tagay ee Rodolfo Graziani ayaa 1935 halkaa waxa uu ku dejiyay qorshihii uu  duullaan ugu qaadi lahaa Itoobiyada deriska la ah. Waa berisamaadkii gumeystaha Talyaanigu awoodda lahaa oo uu Mussolini ku tookhi jiray Imbaraadoriyad Afrikaad oo ay Liibiya iyo Eritareeya ku jiraan.


Soomaaliya sanadkii 1941 ayuu Ingariisku qabsaday. Waxaa uu ahaa qabsi uu dhiig ku daadan. Askartii madoobayd ee guutada Nayjeeriya ayaa Muqdisho, oo ah caasimad Allaheed leh, soo galay. Waxa ay ku arkeen boostarro sheegaya: “Guushu dadka Talyaaniga ayay u dambaysaa.” Ciidanka Ingariiska ayaa xukumayay illaa 1950 markaa oo ay Soomaaliya noqotay dhul maxmiyadeed hoos taga Qaramada Midoobay oo uu maamulka Talyaanigu muddo toban sano ah madaxbannaani ku gaarsiinayo.

Liibiya waa ay xorowday, Itoobiya Imbaraadorkeedii ayaa ku soo laabtay oo Eritareeya xukunkiisa ayay hoos tagaysaa. Beryahan calanka Talyaanigu kaliya waxa uu babbanayaa Soomaaliya waana la siibi doonaa marka Maamulka Wisaayada Talyaanigu faarujiyo qasriga muddo shan sano ku siman.

Giuseppe iyo aniga waxa aan ku lugeynay qeyb gabowday oo magaalada ka mid ah. Waxa ay u ekeyd magaalo duqaymo burburiyeen oo ku taalla Yurub, laakiin bambooyin kuma aysan dhicin. Daaro ka samaysan limestone oo ay Carab soo galooti ah dhiseen qarni ama ka badan ka hor ayaa boor u sii hoobanayay. Sanado badan ayaa laga joogaa in hoggaan Carbeed uu galaangal ku yeesho Muqdisho. Maanta Carabtu waa bulsho yar ama la illoobay. Guryaha burbursan wali waa la adeegsadaa oo haween da’yar oo Soomaali ah ayaa irdahooda fafadhiyay. “Waa sh*rmuuto.” Ayuu yiri Giuseppe. Ereygu waa erey suuqeed Carbeed oo la macne ah dh*llo.

Waxaa aan soo gaarnay taallo qotonta bartamaha goob fagaare ah. Jiilaashiga ayaa haatinayay carro salkeeda taallay. Giuseppe ayaa in uu garbihiisa toosiyay akhriyay qoraal ku qornaa:

Sanaddii lix iyo tobnaad ee guusha; sanada saddex iyo tobnaad ee waaga Faashiistaha, Soomaaliyada Talyaanigu waxa ay si rayrayn iyo qab leh u soo dhowaysay; Xurmadle Vittorio Emanuele III, tusaalaha nool ee taariikhda iyo sumcadda Talyaaniga... hortiina jidbixiyeennadii, beeralaydii, askartii…

Halkaa marka uu marinayo qoraalku waxa uu gaaray meel jaban iyo ereyo maqan. Cidna abid iskuma dhibin in ay wax ka beddesho. Mar dhow qoraalku waxa uu noqon doonaa mid aan bannaanayn. “Inteenna halkan joogta dhammaan Faashiistayaal ayaan nahay,” ayuu yiri Giuseppe. “Mussolini waxa uu ahaa ninkii ugu wanaagsanaa ee abid noolaada. Xilligiisii Talyaanigu dal weyn ayuu ahaa.”

Giuseppe Soomaaliya ayuu u soo doolay waayo Talyaaniga shaqo kama heleyn. Talyaanigu billowgii rejo badan ayay ka qabeen in Soomaaliya ay suuq u noqonayso malaayiintooda dheeraadka ah. Laakiin Soomaaliya waa dhul qalallan, aan khayraad laga helay lagu ogayn, oo kaliya waxaa ka suuragal ah xoogaa beerasho ah. [Soomaaliya] waxaa laga dhigtay buundo loo gu tallaabo Itoobiya dhulkeeda sarreeya ee dihin, laakiin waxba laga ma keenin. Sanaddii 1931 dhulka Soomaaliyeed waxaa joogay in ka yar laba kun oo Talyaani, maantana waxaa jooga in ka yar shan kun. Jiyoolojistayaal Maraykanka u dhashay ayaa shidaal ka sahminaya, balse haddii la helo xukuumadda Soomaalida ayaa ka faa’iidaysan doonta, oo Talyaanigu kama cabbi doono. Soomaaliya waa meel uu gumeystuhu ku jabay, laakiin Talyaaniga Giuseppe oo kale ah waxa ay ka helaan in ay hilow dib ugu laabtaan maalmihii wacnaa ee Imbaraadooriyada iyo Mussolini, tusaalaha kale ee “sumcaddii Talyaaniga.”

Waxa aan ku lugeynay waddo hareer marta xeeb lagu dabbaasho. Waxaa jirtay darbo xooggan oo sigaarkaygii aad u basisay. Waddadu waxa ay ku dhammaatay Liido oo ah kalaab badda saaran oo lagu caweeyo. Marka la gudbo waxaa la galayaa dhul ah saxare iyo jiq goglan, oo Soomaaliya inteeda badan ayaa ah sidaa. Waxa ay ahayd lixdii oo buuro ah – fiid cilcillowgii, gudaha Liido waxaa khamro ku cabbayay oo gabdho Soomaali ah ku la jaasayay Talyaani isugu jiray kuwo askar ah iyo kuwo aan ahayn. Haweenka Soomaalidu waxa ay leeyihiin midab qaxweed, wajiyo qurxoon iyo indho madow oo ifaya. Qaabkoodu waa mid qorqoran oo arrinkooda si joogto ah ayaa loo ga hadal hayaa bariga Afrika. Mudnaantooda waxaa sii xoojinaya xaqiiqada ah danaynta loo muujiyo qalanjo Soomaali ah in ay cidlo ku dhacayn.

Waayeel Talyaani ah ayaa shareero ka tumayay muusig laabqaad leh. Ka dib ayuu mashiin muusikeed (jukebox) la dananay heeso Maraykan oo ay ka mid tahay “Shotgun Boogie.” Khamro ayaan dalbanay,  Giuseppe farahiisa ayuu ku durbaaniyay miiska maradiisu wasakhda ka muuqato inta ay muusikadu socotay. “Maxaad ugu yeertaan, buu-gii, buu-gii?” ayuu yiri. “Waxa aan jeclaan lahaa in aan Maraykanka tago. Ma dhabbaa in uu qof walba oo Maraykan ah baabuur leeyahay?

Askarta jaasaysay waxa ay siteen baskoolado ugu jiray galal sinaha ugu xiranaa. Askartu dhammaan aad ayay u gaagaabnaayeen. Soomaalidu waa dad dhaadheer, waxa ay gaaraan illaa hal mitir iyo siddeetan, oo gabdhuhu hoos ayay u fiirinayeen abbaannadoodii hore. Talyaani cabsan ayaa isku dayay in uu kala dhex galo lammaane oo gabadhii Soomaalida ahayd ayaa si xoogan dhan u riixday. Dhanka miiskeena ayuu u soo gagabay, Giuseppe in uu arkay ayuu ku salaamay salaanta faashiistaha. “Heil Hitler” ayuu ku qayliyay. “Viva il Duce – Ha Guuleysto Hoggaamiyuhu” ayuu Giuseppe ku jawaabay isaga oo dhoollacaddayn qallalan u raaciyay.

Askari baa isku dayay in uu gabar Soomaali ah shumiyo iyadana dharbaaxo qafiif ah ayay ku dhufutay. Askartii kale ayaa ku qososhay. Gabar Soomaali ah ayaa dhalo khamri ah meesha lagu jaasayay ku tuurtay oo waa ay burburtay. Adeegaha baarka oo Carab ahaa ayaa soo orday oo waxa uu doonay in uu gabadha banaanka u tuuro. Talyaaniga milkiilaha ahaa ayaa kala dhexgalay oo xaalka qaboojiyay, gabadhiina raalligelin ayay bixisay. Wiil ayaa qarshooyinkii xaaqay, askartiina qosol ayay isku celin la’aayeen. Cabbaar ka dibba mid mid ama koox koox ayay Talyaanigu gabdhaha ula baxayeen. “Sh*rmuuto,” ayuu yiri Giuseppe. “Haweenka Soomaalidu soo-jiidasho ayay leeyihiin. Kulli waan aqaanaa oo way iga helaan.” Qolka ayuu isha mariyay. “Waxa aan raadinayaa saaxiibtey. Badiba halkan ayay joogtaa laakiin hadda ma arko.”

Liido waan ka tagnay oo waxa aan soo jeediyay in aan magaalada bas u raacno. Wuu igu diiday Giuseppe. Madowga ayaa baska raaca. Lugayn ayuu ka doorbiday. Waxa aan soo dhaafnay dhalinyaro Soomaali ah oo waddada taagan oo Giuseppe dareen ayaa galay. Waxa uu i tusay in ay baskoolad Beretta ah ugu jirto gal garbed shaatiga gacma-gaabka ah uga hooseeyay. Saaxiibkiis ayay beri dhowayd Soomaalidu dhagax ku daqreen. Waxaa taa ka darnaa wixii 1948 dhacay. Maamulkii ciidanka Ingariiska ayaa dhulka xukumayay oo in Talyaaniga wisaaya ahaan loo soo celiyo ayaa Qaramada Midoobay loo ga doodayay. Mudaharaad ayaa ka billaabmay Muqdisho oo Soomaalidu waxa ay dileen konton iyo kow Talyaani ah oo isugu jiray rag, dumar iyo carruur. Xaaladdu waa ay deggan tahay hadda, laakiin Talyaanigu ma aysan illoobin qalalaasihii 1948. Waxa aan Giuseppe weyddiiyay sida uu u arko saddexdii sano ee uu Soomaaliya joogay. “Tanta miseria, silic xad dhaaf ah,” ayuu ku jawaabay.

Aragtidii Giuseppe ee mustaqbalkan halkan wedkeeda ayaa galay, laakiin dhalinyarada Soomaalida ee reer Galbeedoobay waxaa aayoohooda uga ifiya ereyada ashqaraarka leh ee Afrika ka aloosan: is-xukun. Dhalinyaradaa waxaa ka mid ah Cabduqaadir Maxamed Aadan oo aan muddo macrifo nahay, oo waqti joogtaynayay kulamada hoose ee ka dhaca Croce.

Cabduqaadir muddo ku dhowaad laba sano la joogo ayaan kula kulmay diyaarad isaga gudbaysay Baariis iyo Rooma. Waxaa uu ka soo laabtay New York oo uu cabashada Soomaalida ugu gudbiyay Qaramada Midoobay. Cabduqaadir aabihiis waxa uu karaani u ahaan jiray faashistihii Talyaaniga oo Cabduqaadir waxa uu ku soo koray magaalada Muqdisho. Cabduqaadir waxa uu helay waxbarasho yar, ka dib aabbihii ayaa waxaa ka hor timid noloshii magaalada oo degaankiisii ayuu u laabtay, kana noqday nabaddoon. Cabduqaadir waxa uu ku haray Muqdisho, Talyaaniga ayuu karaani u ahaa, waxa uu na guursaday gabar reerkoodu baadiyaha degaan, haddana waa ganacsade ka shaqeeya dhoofinta iyo keenidda. Ganacsigiisu waxa uu u muuqdaa mid si fiican ku socda, waayo Cabduqaadir waxa uu khiijiyaa kaliya sigaarrada Maraykanka, oo ah kuwa ugu qaalisan, waxa uu na xirtaa shaarar isboorti ilqabad leh iyo surwaallo. Waa nin siyaasadda uga jira meel mudan oo waa xoghayaha guud ee Xisbiya Digil iyo Mirifle oo ah xisbi siyaasadeedka labaad ee dhulka ugu awoodda badan.

Soomaalida waxaa lagu tilmaamaa in ay yihiin Xaamiyiin oo way ka ab duwan yihiin dadka Baantuuga iyo Neegraha ee Afrika. Cabduqaadir waxa uu leeyahay midab maarriin ah, tima madow oo cufan, dibno yar iyo san dheer. Waxa uu ku jiraa da’ soddonaad oo dhererkiisu waa mitir iyo siddeetan. Soomaalida kale wuu ka duwan yahay oo xoogaa waa nin culus oo miisaankiisu waa sagaanshan kiilo qiyaas ahaan. Lug ayuu jiis ka yahay sidaa darteed Soomaalida ayaa ugu yeerta “zoppo” – erey Talyaani macnihiisu yahay jiis. Cag ayaa naafo ka ah, laakiin waxa ay u soo kordhisay xarrago socod uu Cabduqaadir si walbaba yeelan lahaa.

Dhulalka uu Ingariisku gumeysto, Afrikaanka “dhalanrogmay” waxa uu noqdaa mid aan laga aqoon abaannadiisa Ingariis. Waxa uu caadaystaa in uu galabkii shaaho, waxa uu xirtaa jaakad (suud jebis ah), xitaa waxa uu gaaraa heer uu yeesho qaab hadalka cagajiidka ah ee ingariiska. Cabduqaadir waxa uu la barbaaray Talyaaniga. Baasatada waxa uu u cunaa sida Talyaaniga ee buuqa leh, iyada oo baastada qeybteeda hore afka ku jirto inta dambe na ay wali saxanka saaran tahay. Wuu ka caaggan yahay oo vino roso ma dalbado, balse waxa uu aad u doorbidaa acqua minerale, biyo mineral cad, oo uu cuntadiiba raacsado. “Improves la digestione, dheefshiidka ayay haggaajiyaan.” Ayuu yiri Cabduqaadir isaga oo calooshiisa aan sidaa u sii weynayn taabanaya. Cabduqaadir waa nin dad jecel oo in uu hadlo ay ugu baxdo. Marka uu sheekeynayo waa qaab Talyaaniga hadal-helid-ogaanta boobsiiska leh ee ka badbadintu ku laban tahay. Daqiiqad qosol ayuu la dhaqlaynayaa, tan ku xigta gacmaha ayuu kor u tuurayaa, dabadeed wajigiisa ayuu kaduudayaa sida in uu ooyi rabo.




[1] Hadda waa magaalada Kisangani ee gobolka Tshopo, Jamhuuriyadda Dimuquraaddiga ee Koongo.

[2] Hadda waa Kinshasa, magaalamadaxda Koongo.

Dubbihii Ilaahey: Faallaynta Dibadyaal



Maansada warinta ah ee Dibadyaal waxa aan ka akhriyay buugga Hal-Karaan ee abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) – (1943 - 2022) uu ku ururiyay maansoonyinkiisa, iyo sidoo kale buugga Hal Ka Haleel: Sooyaalka Hadraawi iyo Suugaantiisa ee uu qoray Maxamed Baashe X. Xasan (dh. 2020). Labadooda Alle () ha u naxariisto. Waxaa jirta labo mar uu abwaan Hadraawi maansada akhrinayo; mar uu madal ku akhrin faallaynayo iyo mar, aan u badinayo in, uu cod ahaan u duubay.

Maansada Dibadyaal waxa ay soo baxday sanadkii 1981 oo ahaa xilli jabhado carcar ah dalka ka wada curteen. Waxa ay ka mid tahay maansooyinka ugu dhaadheer ee hal-abuurka (AHN) abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), oo maansadu dherer ahaan waa 625 tuduc oo u qeybsan 72 qeybood. Waa maanso farriin ahaan culus oo dhowr duluc isdultaagaysa. Maansadu waa sheeko, waliba tu dheer, iyo warin dareersan oo saddax qeybood leh. Waa maanso siyaasadeed oo bulshada naqdinaysa isla jeerkaana kicinaysa oo ku baraarujinaysa dulmanaantooda iyo gabboodfallada ay ku raalli noqdeen.

Dibadyaal waxa ay qaab afshaxannimo iyo sheeko curin sarreysa leh uga hadlaysaa nidaamkii kelitaliska Maxamed Siyaad Barre, iyada oo si tusaale ah uga sheekeynaysa, cabburinta iyo eexda cadaaladeed, qaraabakiilka xileed iyo sedbursiinta siyaasadeed – ee uu nadaamku dhaqan ka dhigtay. Waxaa ku jira laba shaqsiyadood oo la dhihi karo waxa ay u taagan yihiin labada qeybood ee dadka, intii dalka joogtay iyo intii dibadda aadday. Waa in dalkooda dibyaallo ku ah iyo in dalkoodii duleedyo ka ah. (Waxaa si maldahan ugu jira baxaalliyo metelaya odaygii talada dalka haystay iyo nadaamkii jiray.) Dulucda guud ee maansadu waa taa oo ay muujinayaan dhowr tuduc. Gaboodfallo soo taxnaa balse beryahaa sii kordhay ayuu marna sheegayaa, marna sawirayaa.


Marka la la dhereriyo maansooyinkiisa kale ee duluc iyo ujeeddo ahaan nooceeda ah (ee si guud uga warramaya xaqudirirka) ee quruxda ugu sita, uguna cufan erey abbaarka iyo afmaanseedka, habka qoraalka maansada Dibadyaal aad iila ma qurxana, balse waa maanso sideeda gaarka ah kaalinteeda ugu habboon. Goljanno iyo gabayada Galangal iyo Gudgude tusaale ahaan.

Maansada humaagyadeeda iyo shareerrada uu ku dhisayo ayaa cajabtooda leh. Waa sawirro midba ka kale ku xiran yahay oo samaynaya sheeko dhamaystiran oo mar xaqiiqooyinka qalaya, runtana muujinaya, marna lid hadlaya oo duurxulaya. Wadajir waxa ay u gudbinayaan dareenno xanuun leh tiiraanyana laabta ku reebaya. Waa humaagyada dhanqalanka leh ee uun dhan oo eedaad la marinayo haddana aan dhiidhinayn balse marka ay ugu roon tahay afqabsi, marka ay ugu daran tahayna afgobaadsi dhimasho ku sugaya. Waa dad laba jeerba le’anaya oo aan lagu arag dhiirranaan iyo bareer ay heeryada isaga ridaan. Sawirrada uu Hadraawi ina tusayo waa kuwo dammiirka gilgilaya, damaq ay caro keentay ku gaagixinaya.

Ugu horreyn abwaan Hadraawi ayaa maansada werinaya ka dibna laba shaqsiyadood oo nala barayo in ay wada dhasheen, Dibadyaal dhibaatooyinkii dalka u joogay iyo Duleed oo muddo dibadda ku maqnaa ayaa tebinta ku wareegaya. Waxaa horreeya ararta, waxaa ku xiga isxaalwaraysi labada walaal ay ku haasawtamayaan, waxaa ku sii xiga xogwarran falanqe dheer ah oo degmada, oo dalka loo ga jeedo, ku saabsan. Waxaa ugu dambeeya hogatus iyo talo la farayo hoggaanka iyo indheergaradka ummadda oo maansada gunaanadaya.

Horraanba, Hadraawi ararta waxa uu ku xifaale tuurayaa rag silsiladdii Deelleyda ka qeyb ahaa oo uu sheegayo doodduba in ay dhacsanayn. Tuducyada hore waxa uu tilmaamayaa in Deelleydu ay “doc qura shifaysay,” taas oo ka dhigan inuu wax ka eegayo xagal ka duwan xaglihii laga eegay dooddii ay Deelleydu daarranayd. Tabashooyinka in aan la isla toyan ayuu ku sii darayaa… oo dhibaatooyinkii wali sidoodii yihiin. Isaga oo leh: →

“Lama baanan doogtii

Dakharkiina lama dhayin,

Wuu sii darsanayaa…”


Waxa uu intaa sii raacinayaa, sida ay noloshiisa iyo suugaantiisu ka marag kacayaan, nin waajib saaran yahay oo bulshada codkeedii ah in uu yahay ayuu tibaaxayaa – waliba ay u dheer tahay in uu yahay ergeygeeda xaqeeda u diran: →

“Anna waxa la ii diray

Daaraanta godobtoo,

Nabarrada damqanayaan

Hadba Dacar ku noolayn,

Illaa Daayin abidkay

Dawankaan ruxruxayaa…”









Waxaa inoo muuqanaya in Duleed inta uu maqnaaba u war hayn jirin reerka, isgaarsiin xumo ama dayac midka ay noqotaba. Muddo dheer ka dib, waa isaga reer degtay xaalkooda warsanaya. Waa nin duddadiisa intaasba dool ka ahaa oo ay dan u run sheegtay oo sidaa darteed soo guryanoqday. Waa nin reerka aad u tebay: →

“Marmar baan daraaddiin

Degdegiyo kalgacallada

Oran jiray ma duushaa?”

 











Hadraawi si falsami leh ayuu sheekada u shubayaa. Qaab uusan isxigxiggu muhiim ahayn balse ay dhacdo ba dhacdo kale ku xiran tahay ayuu u werinayaa sheekada reerka. Horreysaba Duleed ayaa ku furaya; “/duni waan ku dhaqannoo, dareen laga ma waayee…/”. Meesha kama saarayo in ay dhibaato macquul tahay. Dibadyaalna in uu “/dareen ma leh… dadna waa fayow yahay/” yiraahdo ayuu haddana war dhiillo leh jawiya u dhiibayaa. Waxa uu na tusayaa, maaddaama dareen ma leh la yiri, in reerku ladan yahay sidaa darteedna xaalwaraysiga uu ka billaabay goreygii uu yaraanta ku ogaa – intii uu xaal warreysan lahaa waalidkii, xaaskii iyo carruurtii uu ka tegay.

Waxa aan ogaanaynaa geerida goreyga, awrkii reerka, duqii reerka oo ay ku xigsatay duqdii, ka gadaalna carruurtii iyo afadii. Waa dhimashooyin wada xiriira. Goreyga lafaha awrka odayga duugta loo ga dhigay ku dhintay; duqda odayga dabadii daadku qaaday inta ay carruurtii duumo tirtirin iyo afadii uu jinku dheg-dhabay inta aysan xoolihii dabar go’in. Waa halaag xiriir ah iyo dhiillo uu abwaanku tebinteeda ku farayaraystay.

Reerka uu Duleed warsanayo waxa uu metel ama summad u yahay dadka Soomaaliyeed oo u qeybsamay qaar colaado beeleed, daadad, duumo iyo abaaro ku le’da iyo qaar kadeedan oo nadaam dulmi ah ku hoos nool. Illaa maanta waa sidii berigaa.

Duleed aad ayuu u qaracmay marka uu helay sheekada hoogga reerkii ku dhacay: →

“Duleedoo aqoonsaday,

inaan Guul danbaysoo

lagu diirsadaa harin,

ayaa daymo Murugo ah

Dibno jiitamaayiyo,

Deelqaaf ku yiri ciil…"

 

 

Inta uu uurkutaallo iscelin waayay; isaga oo quus taagan, sida ereyda culeyskooda ka muuqata xanaaq isciilkaambinaya ayuu ku caataabay: →

 

"Reerkan Daaha loo rogey,

Dubbihii Ilaahay

Darandoorri ugu dhacay,

Dam-daguugan laga dhigay

miyaad Guul-darraystow,

Nabad iyo dardaan iyo

igu tiri dareen ma leh…”

Marka ummad dubbaha Ilaah darandoorri ugu dhacayo waa mar ay midnimo lahayn, mar ay istirsan oo ay isdaysay. Marka aan xoogga iyo xikmadda la midayn waa la kala daataa oo la nuglaadaa, ka dibna waxaa soo baxa dad xanuun days ah oo laabtooda laga tiray inna in la digigixoon karo .

Waxa uu leeyahay ba’an aad iiga sheekeysay iyo “/dareen ma leh/” isma qabtaan ee “/waxa duurxulkaagani, kaa daarran yahay sheeg/”. Dibadyaal ayaa na loo tusayaa in uu yahay nin waa hore damaq daayay. Waxa na loo sawirayaa dareenka Dibadyaal sawir aan uga maaranno ereyo tiro badan: →

“Dibadyaal kal adakaa

Naxariisi kuma duxin…

Danqashada walaalkii

Weji duban ku baabi’i”


Dibadyaal waxa uu u daadegayaa inuu dalkii ka sheekeeyo; /waxuu yiri; “degmadayada, dugsi keliya baa jira, diric keliya baa dhiga…/” Waxa uu sawirayaa in dowladda keliya loo magan yahay uu hal nin iska haysto. Hal xisbi iyo askari kelitalis ah ayaa dadka hal aragti wada bara. Dawladda ayuu dugsi ku metelayaa. Dugsi ay doorka iyo waxgaradku ku daataan, waayo casharradiisa ayaa ah kuwo qof waxgarad ah uusan barin karin: →

 

“Dersi baanu baranaa

Dulliga iyo beentiyo,

Doqonniimo faankiyo

Qoqobkiyo dirsoociyo,

Ducadiyo yaboohdiyo

Inta laga diqoodiyo,

Dawarsigu ka kow yahay

Digashadu u mudan tahay”


Waxa la is baro ee dawladda laga helo waa dhaqan bulsho yeelato intii ugu xummayd ee faafkoodu sababi karo in ay dadku burji dumaan dabadeedna burburaan. Waa dal ay isdabaalinta iyo munaafaqnimadu la degeen oo ay maxaa kaa galaydu caadowday. Waa degmo dhufaanan oo aan xaqa lagu dhiirran karin haddana la ciillan yahay oo ay dadku inta ay doonistoodii waayeen diidmadoodii u yeelmeen: →

 

“Dibnahaa la cunayaa

Qosolkaa la deexdaa,

Adigoo il dabayaa

Dadku inaanay kaa garan,

Misna lagu dadaalaa

Marka aad Duleedow,

Sidaad doonto weydaad

Sidaad diidday yeeshaa.”


Qofkii aan hayin wali noqon innagaa ka dhigna oo u horseedna, ayuu leeyahay. In gacanta la qabto ayaa xaqiiqooyinka uu arki lahaa laga daahaa oo dulmar lagu mootiyaa. Qofka wax maqli kara dhegahaa loo oodaa si uusan wixii jira u maqal. Marka ay hadal noqotana waa af baqayaa arrin ma leh:

“Deeqsiinta hadalkana,

Farahaannu dirannaa

Iyagaa ka door roon,

Dibno sheega godobaha”


Waxa uu si duurxul ah u bayaaminayaa in barwaaqada iyo dheeftu dalka u sinnayn ee meeshii la doono lagu di’iyo. Dalka ayuu ku metelayaa doox seeran oo ay calafkiisu laastaan in “dalqada gowso ku leh”. Waa dhaqaalihii dalka oo ay koox hunguri weyn durduuranayso.

Waxa uu halkaa uga gudbayaa nadaamka caddaaladeed ee dalka ka jira. Waa caddaalad magacuyaal ah oo mugdi iyo meel madow lagu meel mariyo. Meerisayada taa muujinaya habdhaca ayaa sii qurxinaya:

“Dayaxaannu awdnaa,

Qorraxdaannu daahnaa

Nuurkaannu daminnaa,

Mugdigaannu daarnaa

Dabadeeto fulinnaa,

Sharcigii dalka u yiil…”

Mar uu ka warramayo qofka mudan sida loo weyneeyo waxa uu noo sheegayaa in qofka waxgalka ah la naco, la silciyo oo la waxyeelo am aba la dilo:

“Ninka raga daryeelkiis

Ama duubka sharafkiyo,

Derejada la siiyaa

Dabar iyo nac weeyaan…”

Dabbaaldeg iyo dhalanteed ayaa lagu wada qanacsan yahay oo waxqabad macne la’aan ah ayaa la isku daawanayaa oo baraare iyo horumar laga dhowrayaa. Waxa uu leeyahay, waa dal ku hodma balaayada oo ku horumara. Waa dad rummeystay haddii inta xun inta ugu sii xun aysan ku dhicin in aysan daasadahooda maran waxba ugu dhacayn, oo aysan baahi beeleyn iyaga oo hoog ka leefin. Intii baas leh in uu taxo ayuu ku afmeerayaa, “/…miyaa daasadaha maran, dirham noogu dhacayaa?/”.

Waa dal daacadnimadii laga dhoofiyo oo dulmi la soo dejiyo. Waa dal la la yaabo wixii habsami u qabsooma ama laga guul gaaro: oo “/dadku waxay la yaabaan, dan quntaa u fara badan/”. Waa dal wixii jira iyo wixii dhacayaba ay anfariir leeyihiin, oo waxyaabo aan macquul ahayn ay wada dhacayaan: “/Dibida iyo weylaha, waxa dhala dameerrada/”. Oo “/Ruuxii la duugaa, marka laga dareeruu, dardar soo ceshaa[yoo]…/”.

Waxa uu nadaamkii jiray ku suuraynayaa habar qaraweyn oo Dajaal la eg, dhakadana il ku leh. Waa summad u taagan foolxumada iyo sharkii kelitaliskii askarta. Isaga uu duurxulkiisa sii wata ayuu leeyahay habartii (nadaamkii) muddo dheer oo durraamo ah ka dib waxa ay dhashay wiil derderan (kelitalis gurracan).

Waxa uu qarannimada ku metelayaa hal uu ninkii lahaa ka hurday oo in ay dibbootay bahallo cuneen, ninkiina in uu xaqiiqada isdiidsiiyay hashii warasanayo. Waxa uu ku sii darayaa oo ku sarbeebayaa in ninka hasha raacay uu “doofaaro dhiqi jiray” uu na ahayn ku geel yaqaan.

Dibadyaal iyo Duleed waxa ay isaga sii sheekeynayaan sida uu midba ku noolaa iyo si xaal u ahaa illaa laga soo gaaro gunaanadka maansada. Gebagabadu maansadu waxa ay u muuqataa ka gaarsiis, sida qoraalkaygan aan ku daalay. Waxa uu abwaanku maansada ujeedkeeda ku sheegayaa; in ay dadka barayso, “/in dedaalku wacan yahay../” duurxulna uu ku jiro. Waxa uu Hadraawi qof kasta hoggaan ah kula dardaarmayaa:

“Dadka aad ka dhalatiyo,

Dalka aad u dhalatiyo

Nin la yidhi danta u tali,

Hodon laga dabqaatiyo

Dirac iyo fariid noqo,

Dibin daabyo ka ogow…”

Bilowga maansada ayuu xusayaa xil in uu meerto yahay. Ereyo ujeeddo ahaan uu saaxiibkii Rashiid kula hadlayo ayuu nuxurkoodu sidaa yahay: “/dantu waxay u magan tahay; darka fayl isdhaafiyo, darandoori shubiddee/”. Waxa uu intaa sii raacinayaa:

“Duco iyo xusuus iyo,

Duug aad ka dhaxashide

Xilka Daacad ugu hay,

Ha dullayne gaarsii

Meeshay daraaddeed,

U galeen dagaakii

Diiftiyo kulka lahaa…”


Waxa uu odaytinimadiisii cabqariyada lahayd hoggaanka iyo waxgaradka umadda kuu sii farayaa in ay dardaaranka kore ku sii daraan:

“Dib u dhaca ka maaree,

Dumar iyo rag hawl geli

kartidooda deeqsii,

Derejow sugnaatoo

Guul baa u dagatee…”


Si guud, maansada Dibadyaal waa nin aan yaabin oo war yaab leh u sheegaya nin aan yaab arag. Waa nin macaaday oo u warramaya nin ay miciyi mudin. Waa nin intaasba u joogay wax kastoo lala yaabo oo dalka ka dhacay, ugu dambaynna yaabba gooyay. Duleed, isagu waa nin yaabla' oo wixii dhacayayba moogaa oo ay dalka ugu dambaysay inta aysan askartu afgambi ku qabsan. Maansada waxaa ku jira dhowr tuduc oo nagu yaab ah oo haddana aan la la sii yaabin, waayo waxa aan la joogin xilli la yaabo iyo meel lagu yaabo.

Waxa aad mooddaa illaa maanta in sidaa la yahay oo aan la yaabi karin oo aan laga yaqyaqsoon karin nolosha ay liidnaantu harraysay. Fiiri, dareenka iyo dammiirka dhufaanan ee aan gadoodi karin, iyo kasha aysan kolna ku soo dhacayn in ay iska diiddo nolosha gobannimo la’aanta ah – maanka aysan soo marayn in uu xilkas noqdo. Xaalkeennu wali waa sidii, oo sidii ayaan nahay dibadyaallo iyo duleedyo baryo iyo tacaddi ku hoos nool.