Showing posts with label Xasuus. Show all posts
Showing posts with label Xasuus. Show all posts

Uurkutaallo

 

Heesaha bar baa kugu dhaliya xasuuso olol kugu shida, ku debciya, ku dejiya oo qalbigaaga qooya inta dhabannadaadu aysan hoos ugu soo hoorin illin aan ceshi yeelan. Malaha sida ay tahay in farxadda lagu heeso ayay tahay murugada in loo gu heeso. Hal hees ayaa maalintaada beddeli karta isma lahayn; inskasta oo aan qirsanahay awoodda saamayska leh ee fanka kiisa sarreeya. Waa hal hees oo dhamaystiran, oo dhanka la iska taagaba waa mid kaalinteeda buuxinaysa. Dhammaysnimadeeda ayaa siinaysa dheeraad iyo dhadhan faneed gaar ah.

Waa hees Benaadiri ah. Waa uurkutaallo iyo gocosho ay kashu la ruqanayso, miyirku la ruqaansanayo, dareennaduna riyaaq iyo dhaawac wada jira la gubtaanyoonayaan. Waa hees la wehliyo oo malaha qof ama aan iraahdo dad amran ayaa wada sameeyay. Hadda oo galab ah ayaan markaygii labaad (subax dhowayd ayaa maqalkeeda iigu horreysay) ku ceshceshanayaa dhowr jeer. Dhagaysiga heesta waxaa iila jira qisada gabar yar oo Rebecca la yiraahdo. Waa geerida xanuunka leh ee Rebecca oo uu aabbaheed ka sheekeynayo.

Heestu albun dhan ayay ka qeyb tahay oo waxa ay ku soo baxday riwaayad la yiraahdo Jisaarkii Jaceylka. Riwaayadda ma daawan laakiin albunkan heesaha riwaayaddu ku dhan yihiin ayaan dhagaystay. Heestan “Yaa muslinoo midigtayda qabtaa” ayaa aad ii soo jiidatay. Waa calaacal iyo lurhadal. Heesaagu sida aabbaha Rebecca ayuu lurhadlayaa oo uu doonayaa in ay dadku dhibta la wadaagaan. Inkasta oo qisooyinkoodu isku mid ahayn oo  tan Rebecca ay dhab tahay, haddana wax badan ayay wadaagaan. Labadaba waxa ay i noo sawirayaan xanuunka ay leedahay in aad weyso qof aad jeceshay, qof kugu weyn oo aad qalbigaaga siisay.

Yaa muslimoo midigtayda qabtaayee

Oo murugtaan iga mooti karaayee?

Heesta iyo xasuusreebka aabbahu waxa ay wadaagaan dareengudbin saamays leh. Qisada Rebecca iskeed ayay u xanuun badan tahay oo waa qisada canug dhimanaysa oo uu tebeniyo aabbe jecel. Heesta dhankeeda inkasta oo heesaagu catawgiisu ku geeriyaad gaarsanayn haddana waa uurkutaallo wada da’ysa oo ereyada, luuqda, laxanka iyo muusiga heestu waa murugooyin dhawaaqaya. Waa ooyin af faneed ku gudbaysa.

Heestan yaabka leh illaa hadda ma aqaan cidda samaysay iyo heesaaga! Albunka ay ku jirto wax warbixin ah ma lahan oo nasiibdarro codadka heesaayaasha Benaadiraga si fiican uma kala aqaan. Heesta ayaa i taabatay oo aan jaceyl u qaaday sidaa darteed ayaan qoraal uga qoray, si runtii ka xaalad duwan ayay qisada Rabecca iyaduna ii taabatay.

Waa tan heestii ee halkan ka eeg (daqiiqadda 10:16 illaa 16:00) ama hoos ka akhri. Haddii aadan reer Xamar ahayn (yacnii aadan ku korin), aadan xiisayn fanka Benaadiraga ama aadan Benaadiri ahayn way kugu adkaanaysaa in aad afguriga fahanto ee beddelka dhagayso kaliya ama isu-kaasho.


Meel oon ku miirsanaayee

Muragaan ka doortayee

Mixnadaan inaan maraayee

Ma mudaynin maalintooyee!

Calaacalkaa ayuu heesaagu ku furfuranayaa. Waxa uu na siiyay baaq iyo fure inoo sheegaya inuu lur hadli rabo; marba hadduu yiri “shiddadan dhan inaan marayo habbeenna kuma seexan…






Muraadkii aan lahaayee

Moolaas ku dhacayee

Mixno aa isoo maagtee (2*)

 

Maxaa ku miirsan karee

Mid i maagay manaan waayee*

Yaa ii maslaxeehaayee

 

Yaa muslimoo

Midigtayda qabtaayee

Oo murugtaan iga mooti kaaraayee?

Heelee hiblow wayaabaalee

Heelee hibolow wayaabaalee

 

 

Middi ii maciini jirtee

Midigteey ka muuqatayee

Ma ka maarmi karee magaceed

 

Maxaa ku miirsan karaa

Mid i maaga manaan waayee

Yaa ii maslaxeehaayee

 

Yaa muslimoo

Midigtayda qabtaayee

Oo murugtaan iga mooti kaaraayee?