Qof
walba oo danaynaya in uu qeyb ka noqdo akhrisyadan waxa uu ku biiri karaa
kanaalkan, si uu u helo jadwal akhris, qoraallo iyo link-yada akhrisyada aan
sameeyo.
Akhrisyada Kalka Koowaad
On the Hatred of Literature wq Jon Baskin
Waa maqaal naqdinaya aragtiyaha naqdiga (sida New Historicism) iyo qorayaasha yaraysta ruuxda suugaanta ee beddelka suugaanta wax ka baxsan ka dhex raadiya. Waxa uu kooxdaa, oo barafasooro iyo qorayaal leh, ku tilmaamayaa dad neceb suugaanta, maaddaama ay suugaannimada ka tirayaan. Tusaale, inaan sheekada sheeko loo arkin ee dhigaal taarikheed loo arko. Waxa uu leeyahay, “suugaantu ma xadaysna…” sida laamaha kale ee aqoonta. Waxa uu ku soo xirayaa:
Literature is about life and thus contains everything in it that life contains—including politics, history and certainly disappointment. But when we read something that moves us to tears or laughter, pity or terror, conviction or bewilderment, it is because it reminds us that the “real” is not always disenchanted, our lives not always reducible to the conditions of their possibility.
On the Fine Art of Researching For Fiction wq Jake Wolff
Waa maqaal ku saabsan baarista ka horaysa marka howl mala-awaal ah la qorayo. Qoraagu waxa u soo jeedinayaa hab fudud (ILA: Identify, Lie, Apply) oo baaristaa lagu samayn karo. Waxa uu tusaale u soo qaadanayaa buugag uu qoristooda habkaa adeegsaday.
Anxiety’s Purpose, and
How to Harness It: Rollo May, PhD wq Arts of Thought
Maqaalkan waa waraysi aan
dhab ahayn oo jawaabihiisa laga la soo baxay waxsoosaarka qoran iyo kan duuban
ee Rollo May, caalimkii kasmanafeedka ee Maraykan. Sida ciwaankaba ka muuqata,
waa waraysi-la-mood lafauguraya waxtarka walbahaarka.
Rollo May waxa uu
leeyahay, walbahaar na lura la’aantii insaanku qaraab kama koreen oo ilbaxnimo
ma curiyeen. Waa arrin suuragaliya hal-abuur iyo waxsoosaar.
The Worldly Exile: Edward Said’s life and afterlives wq Rashid Khalidi
Maqaalka barafasoor Khalidi waa gorfeyn ku saabsan buugagga; “After Said” oo uu tifaftiray Bashir Abu-Manneh, iyo “The Selected Works of Edward Said, 1966–2006,” oo ay tifaftireen Moustafa Bayoumi iyo Andrew Rubin. Qoraalku kaliya ma ahan milicsi buug ee sidoo kale waa hordhac dhinacya dhowr ah ka eegaya shaqsiyaddaa Edward Siciid iyo shaqooyinkiisa. Waa maqaal ku habboon qof markii ugu horreysay Siciid baranaya. Waxaa aad ii soo jiitay intan:
Said was not only politically committed; he never really stopped arguing. His vision remained, to the end, both worldly and alienated. He insisted that we see past our own national or parochial cultures in order to better understand them. He called on us to expand the narrowness of our moral and political imaginations and to see the world in its entirety as our common home.
al-Munfarijah, The Poem of Relief wq Ibn Nahwi
Qasiidadan Ibnu Naxwi turjumaaddan (Sulayman ibn Qiddees) ayaan
ku bartay. Sidaa darteed, ayaan lafteeda halkan ugu xusayaa. Asalka Carabiga
ayaa ka xallad badan turjumaadda, qoraalkana qaadidda. Waa qasiido leh macaani
ruuxaaniyeed.
