Bisha Soonqaad waa bisha bilaha ugu mudan iyo marti mar-la-arag ah. Waxa ay mudnaanta ku huwatay in ay tahay bil khayreed oo barakaysan, bil ay axbaabtu adkeeyaan raadraaca xabiibkooda Muxammad (ﷺ) si ay u helaan jaceylka, raalli ahaanshaha iyo cafinta al-Muxib al-Macbuud (ﷻ). Oo waa bil ay muslimiintu wehel ka yeeshaan oo ay kordhiyaan weynaynta iyo ku fekerka Qur’aanka Kariimka oo ah bayaan, hanuun iyo wacdi.
يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ قَدْ جَآءَتْكُم مَّوْعِظَةٌۭ مِّن رَّبِّكُمْ وَشِفَآءٌۭ لِّمَا فِى ٱلصُّدُورِ وَهُدًۭى وَرَحْمَةٌۭ لِّلْمُؤْمِنِينَ
Markasta oo aan saddaxdaa duluc arko waxaa igu soo dhaca bog ka mid ah suuradda Aala-Cimraan oo runtii ah nuxurro ashqaraar gudban leh.
Bogga
oo dhan waa siddeed ayaadood oo gaagaaban. Waa siddeed ayaadood oo sida ugu
ebyan uguna nuxur badan u gudbinaya casharro nololeed. Macna badnidooda iyo
xiriirkooda ayaa feker iyo u fiirsi ku dhalinaya qofka uusan qalbigiisu hilmaan
daboolin.
Intan
yar ee soo socota ma ahan tafsiir, xaasha’! Kaliya waa u fiirsi iyo tarjumaad
fudud (macnaha dhow).
Aayadda koowaad ee bogga, oo ah aayadda 133 ee Aal-Cimraan, waxa ay ku billaabanaysaa fartiin ah in dambidhaafka Alle (ﷻ) iyo jannadiisaba loo harjado.
Waxaa ku xiga faadiilooyinka samafalayaasha ee uu Alle jecelyahay; kuwa wax baxsada xilliga adag iyo xilliga la ladan yahay labadaba; kuwa carada xakameeya; kuwa dadka cafiya. Dhammaan waa wanaagyada samafalayaasha Alle jecel yahay; waa dhaqanka ruux iyo qalbi walba oo fiyoobi loo tirinayo – dadka oo dhamina waa ay wada jecelyihiin.
Labada aayad ee xiga, waxa uu Alle (ﷻ) addoomadiisa u sheegayaa; cidda kaliya ee dambiyada wada dhaafta in uu Alle yahay. Marba haddii dadku faaxishada iyo dulmiga naftooda Alle dambidhaaf ka waydiistaan oo sii wadiddeedana ay ka waantoobaan; Ilaahey ayaa abaalkooda ka dhigaya dambiga oo loo dhaafo iyo janno ay ku waarayaan.
Ramadaan
waa bil cibaado, Bishii Qur’aanka iyo dambidhaafka. Sida ay caarifiin iyo waliyo
Alle qireenna waa bil nuur oo barakooyinkeeda sidata. Waa bil aan dhankayga
riyaaq iyo kalgacal ku soo dhaweeyo bilashadeeda. Sanadkan waxa aan rabaa in
aan ugu faa’iidaysto cibaado hagaagsan, waajib iyo dheeraadba. Waxa aan sugayaa
gudashada cibaadooyinka; nafta ayaan hagaajinayaa (tazkiyah), Qur’aanka ayaan khatmooyin
akhrinayaa, waliba in door ah ka xifdinayaa, oo tawbad dhowaansho leh ayaan
Rabbi xaggiisa ula laabanayaa.
Saddaxdaa
arrin sida aan u samaynayo iyo dhabbaha manhajeed ee aan raacayo qoraallo
gaagaaban ayaan ka qorayaa, haddii Alle raalli ka noqdo.
