Maxamed Sheekh Cismaan “Edmondo”


Waxaa qoray, Maxamed Trunji

Qoraalkan ma ahan qof-ka-hadal (biography) ku saabsan Maxamed Sheekh Cismaan Xayle “Edmondo” (1913 - 1958). Waa ka sheekeyn ku saabsan ninkaa, siyaasi uu magaciisu meel muuqata ka joogay saaxada siyaasadda Soomaaliya dabaqyaaqadii Dagaalkii Labaad ee Dunida. Maxamed “Edmondo” (ma ahan “Il Mundo” sida khaldan ee lagu sheego), waxa uu ku dhashay degaan ku yiil duleedka Muqdisho sanadkii 1913. Da’da toban jir ayuu ku agoontoobay, waxa uu Muqdisho ugu yimid eeddadii si uu ula noolaado. Nasiibdarro iyadana muddo yar ka dib ayay geeriyootay. Ka dib waxaa lagu daray koleejada Consolata Beyt ar-Raas ee Mishinarigii Katooliga halkaas oo uu Maxamed Sheekh Cismaan isaga oo yar dugsiga hoose uga aflaxay.

Sanadkii 1932 ayaa laga shaqaalaysiisay maamulkii Royal Government of Somalia, isaga oo karaani ka noqday maamulka waddooyinka-tareennada. Waxaa xigay, isaga oo aan shaqaale ka dallacin in meelo kale loo bedbeddelo; dawladda dhexe, sanaddo badan iyo shaqooyin goobo kala duwan sida Mustaxiil, Baraawe iyo Marka. Ugu dambayn,  shaqaale qunsuliyad ayuu noqday. Qunsuliyadda Guud ee Talyaaniga, Bombaay (Hindiya) ayuu ka shaqeeyay, ka dibna tan Cadmeed ee Yeman. Sanadkii 1939 ayuu dalkiisa ku soo laabtay oo waxaa loo diray Komosaariyaha Shabeellada Sare.

Markii Ingariisku wada qabsaday Soomaaliya, shaqadii maamulka waa uu isaga tagay, isaga oo u go’ay howlo ganacsi yaryar oo si muuqata ayuu ugu biiray noloshii siyaasadeed.

Aragtiyihiisa siyaasadeed waayaha ayay la korayeen: 1946 ayuu ku biiray Ururkii Leegada oo u noqday Xoghayaha xafiiska Beladweyn. Sanadkii 1947 wuu isaga tagay Leegada waxa uu na ku biiray xisbiga African Union of Somalia, oo uu hoggaan u noqday. Sanadkii 1956 magaca xisbigiisa ayuu u beddelay “Somali Democratic Party” walina isaga ayaa hoggaan u ahaa. Sanadkii 1958 waxa uu dib ugu biiray Leegada.

Markii Talyaanigu soo laabtay 1950, maamul wisaaya ahaan, oo ay Qaramada Midoobay u igmatay dowlad gaarsiinta Soomaaliya muddo gaaban oo tobanle ku siman, Maxamed Sheekh Cismaan illaa saddax jeer oo isxigxigta ayaa loo magacaabay Qunsul Dhuleed "Territorial Councilor" illaa 1956 jagadaa laga baabi’iyo. Dhowr mar ayuu Soomaaliya ku metelay Golihii Wisaayada iyo Kulanka Guud ee Qaramada Midoobay, mar walba isaga oo Soomaaliya ka socda. (Il Corriere della Somalia 20 June, 1958)

Sanadihii ugu horreeyay muddadii ximaayada waxaa jirtay xurguf siyaasadeed oo u dhaxeysa maamulkii Talyaaniga iyo xisibigii dalka aqlabiyadda ku lahaa ee SYL. Khilaafyada labada dhinac u dhaxeeyay waxaa sii huriyay garab istaagga ay xisbiyada “Pro-Talyanka” loo bixiyay ay ka helayeen maamulkii jiray. Iyada oo arrintu sidaa tahay, habeen ay ku began tahay 6 Maarso, 1952, Maxamed Sheekh Cismaan oo ahaa Qunsulka Dalka, ayaa iyada oo ay habeen gucur ah ay tahay waxaa qashqashaaday niman afar ah. Inta uu mid la hadlayay ayuu mid kale biskoolad kaga toogtay lugta iyo madaxa. Nasiibwanaaag Qunsulku waa ka badbaaday isaga oo uusan dhaawac weyn gaarin.

Booliiska ayaa fuliyay howlgal amni oo lagu baadigoobayo dadkii ka dambeeyay fal dambiyeedkaa waxuushnimada ah. Ilo Ingariis ah oo Muqdisho ku sugnaa ayaa xusaya in booliisku soo qabqabteen dad gaaraya 700 oo la la xiriirinayay iskudayga dil. Tirada ku xusan warbixinta Inagriiska (TNA  FO 371/96646, March 27, 1952) inkasta oo ay u egtahay mid aad loo ga badbadiyay, haddana waa la rumeysan yahay in dhowr qof lagu qabqabtay Muqdisho. In badan oo loo soo xiray in su’aalo la weyddiiyo  ayaa la sii daayay maalinkii xigay, halka qaar kale oo badan, gaar ahaan kuwa aan guryaha lahayn loo masaafuriyay degaannadii ay asal ka yimaadeen. Qunsulka shaki uga ma jirin in dambiilayaashu ahaayeen koox burcad ah oo la la xiriirinayo Leegada – oo astaanta xisbiga ayay xirnaayeen . Hasa ahaatee, Leegada ayaa fal dambiyeedkaa iska fogaysay, hoggaankeeduna waa uu cambaareeyay, inkasta oo loo arkayay iskudayga dil in ay iyaga ka dambeeyeen.

Maxamed Sheekh Cismaan iyo Qaddiyadda Soomaali Weyn

Maamulkii Talyaaniga oo ka gowsqaba guushii lexaadka lahayd ee 1954 Leegadu ka gaartay doorashadii golayaasha deegaanka, iyo waxtar la’aanta xisbiyadii yaryaraa ee uu maamulku laftiisa taageerayay, ayaa dhalisay in xisbiyadii yaryaraa ay isku noqdaan hal xisbi oo siyaasad leh, oo iskii isutaagi kara si uu u la tartarmo Leegada doorashooyinka mustaqbalka. Maamulku waxa uu aad uga walaacsanaa natiijada ka dhalan kartaa haddii uu ka tago nidaam xisbi kaliya ah – xorriyadda ka dib.

Natiijadii dhalatay ayaa noqotay xisbi siyaasadeed cusub oo la aasaasay 1954, magaciisuna yahay “Partito Democratico Somalo” (Xisbiga Dimuquraadiga Soomaaliyeed). Xisbigu waxa uu mideeyay xisbiyadii yaryaraa ee loo aqoon jiray Conferenza. Xisbiga cusub waxaa hoggaaminayay Cabdullaahi Xaaji Maxamuud “Insaaniya”, xubnaha kale ee xilalka hayay ay ka mid ahaayeen: Maxamed Muuse Faarax (Hoggaamiye ku xigeen), Maxamed Sheekh Cismaan “Edmondo” (Xoghaye Guud), iyo Xaaji Yaxye Maxamed (Madaxa Maaliyadda). (TNA FO 371/10810, July  26,  1958,  1954). Xisbigu waxa uu u ololaynayay in nidaamka bulsheed ee asalowga ah tartiib looga gudbo, iyada oo loo marayo hagaajin dhaqaale, bulsheed, siyaasadeed iyo dowladnimo nooceedu yahay jamhuuriyad midaysan oo leh maamul daadegsan. (Article 5, Somali Democratic Party Statute).

Siyaasi ahaan, Maxamed Sheekh Cismaan, mar walba waxa uu si cad oo wax-ku-ool ah u taageeri jiray siyaasad lagu doonayo in dib Soomaaliya loo gu soo celiyo dhul walba oo af Soomaali loo ga hadlo ee dalal kale hoostaga. Waxaa jira laba hadal oo xasuus leh oo uu ka jeediyay laba madal oo kala duwan oo uu ku taageeray qaddiyadda Soomaali Weyn.

(1) Isaga oo ka hadlaya martiqaad uu sameeyay, Danjire Giovanni Fornani, maamulaha cusub ee Soomaaliya loo soo magacaabay, Qunsul Maxamed Sheekh Cismaan ayaa muranka xudduudka Soomaaliya iyo Itoobiya waxa uu ka yiri:

Mushkiladda hadda werwerka nagu haysa waa midda ku saabsan xadaynta xudduudka nagala dhaxeeya Itoobiya. Waa mushkilad aan rabno in loo maareeyo qaab aan lagu tumanayn [aysan ahaynna in lagu tunto] gaabisyadeenna iyo baahiyaha dhaqaale ee dadkeenna illaa heer la hoosaasiyo xaquuqaheenna sharciga ah iyo danaheenna. (Il  Corriere della Somalia, 17 Aprile , 1950).

(2) Mar kale 4 Oktoobar, 1951, intii lagu gudajiray furitaanka kalkii saddaxaad ee Territorial Council oo Muqdisho ka dhacay, Qunsul Maxamed Sheekh Cismaan waxa uu Enrique De Marchena  (Jamhuuriyadda Domeenika), madaxii hawlgalka QM ee booqashada ku yimid la soo hadal qaaday arrinka xudduudka ku-meelgaar ah ee Itoobiya iyo dhibaatada dhaqaale ee uu Soomaaliya u horseedi karo haddii ay dhulkeeda wayso. Waxa uu yiri:

Aan ku dhaqsado in aan qiro; ma jiro Soomaali abid ka tanaasulay qaddiyadda Soomaali Weyn. Dhab ahaan, arrinka gaar baan u dhigannay intii ay socdeen wadahadalladii ku saabsanaa aayaha Soomaaliya ee ka dhacay Harada Success. Hasayeeshee, inta uusan Talyaanigu Ingariiska talada kala wareegin, xudduudaha saddax jeer baa la beddelay iyada oo aan marna lagu salayn isir iyo maangal midkoodna. Markii xudduudaha la bedbeddalayay innaga raalli ka ma ahayn, xitaa innaga oo diiddan ayaa xudduudaha la dhigayay lana beddelayay. Qeybaha hadda Soomaaliyada jirta laga gooyay waa dhul ku fiican beerashada iyo dhaqashada xoolaha, oo waliba loo badinayo inuu macadan hodan ku yahay. (Afis, Bollettino mensile, Novembre 1951, p, 7)

Xisbiga Dimuquraadiga Soomaaliyeed waa uu ku riiqday doorashooyinkii koowaad ee 1956, oo guud ahaan 3 kursi ayuu helay dalka oo dhan. Maxamed Sheekh Cismaan oo xisbigiisa ka socda ayaa loo doortay dibutaati (xildhibaan) ka soo gala Ceel-Buur. Golaha Sharcidejinta markii la yagleelay waxaa laga dhigay Xogahayaha Golaha.

Waxa uu ahaa codkar karaan leh, oo waxaa ka muuqday ka go’naan iyo aqoon mug leh marka uu ka doodayo mudnaanta su’aalaha lagu lafagurayo Baarlamaanka. Bogga tacsida ee wargeyska “Il Corriere della Somalia” ayaa tacsidiisa waxa uu ka qoray: “Maxamed Sheekh Cismaan oo marka koowaad ahaa Qunsul Dhuleed, mar dambena noqday Xildhibaan Golaha Sharcidejinta, waxa uu hadwalba doodaha u yeeli jiray xamaasad ay wehliso hadalka inuu dhexda uga dhaco. Taas marar qaar isqabqabsi ayay dhalisay. Tilmaan gaar ah oo muujinaysa sida nafjecleysiga ka maran ee uu howshiisa ugu diranaa. Doodihiisu markasta waxa ay ahaayeen kuwo cuskan ukuurgal soofaysan iyo aqoon ballaaran uu u lahaa arrinka laga doodayo.” (Il Corriere della Somalia 19, June, 1958)

Maxamed Sheekh Cismaan Xayle waxaa, 18 Juun, 1958, cimrigiisa gaabiyay xanuun uu muddo la ildarnaa, isaga oo aan wali dhamaysan muddo xileedkiisa koowaad ee xubinnimada Baarlamaanka, isaga oo aan wali arag madaxbannaanidii uu muddo dheer naawilayay oo ay ka harsan tahay in ka yar laba sano. Waxa uu ku aasan yahay Masjidka Sheekh Mukhtaar Sheekh Maxamed Cali Maye oo ku yaalla Wardhiigley, Muqdisho.