Marka
taa laga yimaado, filinka waxaa lagu dhaliilay “dhaqan bi’isnimo” – oo runtii
ah dhaliil aan xaqiiqo ahayn, waayo qodobada loo cuskaday “dhaqan bi’isnimada”
waa kuwo aan run ahayn. Waxyaabaha “dhaqan bi’snimo” lagu sheegay waa
xaqiiqooyin bulsheed oo cidkasta uu muuqda – qaarkood waa sida dhaqanku yahay
laftiisa bulshada dhexdeeda.
Gabdhuhu turaaxad way xirtaan, iskoolba yay u xiran. Dhalinyaradu macnadarrida baraha bulshada way u jabeen. Dhalinyarada, siiba wiilasha iskoollada dhigta maandooriyaha dhaxdooda waa uu ka jiraa – laakiin heerka darnaantiisu gaarsan tahay waa arrin aan si dhab ah loo ogayn oo baaris u baahan. Tan ugu daran, daawashada iyo wadaajinta filimada galmada waa wax ka dhexjira dhalinyarada, xitaa kuwa iskoollada dhigta – haddiiba ay iyagu ahayn qeybta ugu daran ee ku saamooba. Rakaataynta iyo in gabdho muuqaallo laga duubo waa wax dhacay oo arday ku dhacay. Middan dambe, waxaa igu maqaal ah dhacdo ka dhacday iskool weyn oo magaalada magac ku leh.
Intaasi dhaliilo ma noqon karaan ee waa xaqiiqo isdiidsiin.
Filinku waxa uu qalayaa milil gaaxsan oo bulshada foolka kaga yaalla. Mililna korkiisa la ma dhayo.
Dhankayga,
illaa hadda inta aan arkay, filinku waxa uu ku dhaliilan yahay sawirka wada
qurxan ee uu waxbarashada iyo ardaynimada ka bixinayo. Way asiibeen muujinta
kala duwanaanta nololeed ee ardayda oo lagu baraarugayo marka ay iskoolka
imaanayaan. In baa bas iskool ku imaanaysa, in baa cagahooda maalaya, inna
bajaaj oo mid ayaaba milkiile bajaaj ah, midna waxaa lagu keenayaa gaari qaas
ah. Waa sawirka heerarka dhaqaale ee bulshadeena.
Filinku
waxa uu aad uga gaabiyay in uu si dhab ah u sawiro xaqiiqada goobaha
waxbarashada oo u badan kuwo aan degaan ahaan u suubanayn waxbarasho oo aan
barkood dugsi lagu sheegi karin. Waxa aad mooddaa in la qaatay tusaalaha dhifta
ah ee dugsiga fiican – marka laga eego quruxda dugsiga! Wali ma hubno, laakiin
tayaxumada macallinka iyo manhajka Soomaaliyeed haddii uu wax ka sheegin
filinku waa uu dhaliilan yahay oo miraayad iyo dhaymo bulsheed ma noqon karo.
Kaliya waxa uu noqonayaa sawirro bandhigan, wirwir ah, maaweellana aan
dhaafsanayn.
