Dubbihii Ilaahey: Faallaynta Dibadyaal



Maansada warinta ah ee Dibadyaal waxa aan ka akhriyay buugga Hal-Karaan ee abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) – (1943 - 2022) uu ku ururiyay maansoonyinkiisa, iyo sidoo kale buugga Hal Ka Haleel: Sooyaalka Hadraawi iyo Suugaantiisa ee uu qoray Maxamed Baashe X. Xasan (dh. 2020). Labadooda Alle () ha u naxariisto. Waxaa jirta labo mar uu abwaan Hadraawi maansada akhrinayo; mar uu madal ku akhrin faallaynayo iyo mar, aan u badinayo in, uu cod ahaan u duubay.

Maansada Dibadyaal waxa ay soo baxday sanadkii 1981 oo ahaa xilli jabhado carcar ah dalka ka wada curteen. Waxa ay ka mid tahay maansooyinka ugu dhaadheer ee hal-abuurka (AHN) abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), oo maansadu dherer ahaan waa 625 tuduc oo u qeybsan 72 qeybood. Waa maanso farriin ahaan culus oo dhowr duluc isdultaagaysa. Maansadu waa sheeko, waliba tu dheer, iyo warin dareersan oo saddax qeybood leh. Waa maanso siyaasadeed oo bulshada naqdinaysa isla jeerkaana kicinaysa oo ku baraarujinaysa dulmanaantooda iyo gabboodfallada ay ku raalli noqdeen.

Dibadyaal waxa ay qaab afshaxannimo iyo sheeko curin sarreysa leh uga hadlaysaa nidaamkii kelitaliska Maxamed Siyaad Barre, iyada oo si tusaale ah uga sheekeynaysa, cabburinta iyo eexda cadaaladeed, qaraabakiilka xileed iyo sedbursiinta siyaasadeed – ee uu nadaamku dhaqan ka dhigtay. Waxaa ku jira laba shaqsiyadood oo la dhihi karo waxa ay u taagan yihiin labada qeybood ee dadka, intii dalka joogtay iyo intii dibadda aadday. Waa in dalkooda dibyaallo ku ah iyo in dalkoodii duleedyo ka ah. (Waxaa si maldahan ugu jira baxaalliyo metelaya odaygii talada dalka haystay iyo nadaamkii jiray.) Dulucda guud ee maansadu waa taa oo ay muujinayaan dhowr tuduc. Gaboodfallo soo taxnaa balse beryahaa sii kordhay ayuu marna sheegayaa, marna sawirayaa.


Marka la la dhereriyo maansooyinkiisa kale ee duluc iyo ujeeddo ahaan nooceeda ah (ee si guud uga warramaya xaqudirirka) ee quruxda ugu sita, uguna cufan erey abbaarka iyo afmaanseedka, habka qoraalka maansada Dibadyaal aad iila ma qurxana, balse waa maanso sideeda gaarka ah kaalinteeda ugu habboon. Goljanno iyo gabayada Galangal iyo Gudgude tusaale ahaan.

Maansada humaagyadeeda iyo shareerrada uu ku dhisayo ayaa cajabtooda leh. Waa sawirro midba ka kale ku xiran yahay oo samaynaya sheeko dhamaystiran oo mar xaqiiqooyinka qalaya, runtana muujinaya, marna lid hadlaya oo duurxulaya. Wadajir waxa ay u gudbinayaan dareenno xanuun leh tiiraanyana laabta ku reebaya. Waa humaagyada dhanqalanka leh ee uun dhan oo eedaad la marinayo haddana aan dhiidhinayn balse marka ay ugu roon tahay afqabsi, marka ay ugu daran tahayna afgobaadsi dhimasho ku sugaya. Waa dad laba jeerba le’anaya oo aan lagu arag dhiirranaan iyo bareer ay heeryada isaga ridaan. Sawirrada uu Hadraawi ina tusayo waa kuwo dammiirka gilgilaya, damaq ay caro keentay ku gaagixinaya.

Ugu horreyn abwaan Hadraawi ayaa maansada werinaya ka dibna laba shaqsiyadood oo nala barayo in ay wada dhasheen, Dibadyaal dhibaatooyinkii dalka u joogay iyo Duleed oo muddo dibadda ku maqnaa ayaa tebinta ku wareegaya. Waxaa horreeya ararta, waxaa ku xiga isxaalwaraysi labada walaal ay ku haasawtamayaan, waxaa ku sii xiga xogwarran falanqe dheer ah oo degmada, oo dalka loo ga jeedo, ku saabsan. Waxaa ugu dambeeya hogatus iyo talo la farayo hoggaanka iyo indheergaradka ummadda oo maansada gunaanadaya.

Horraanba, Hadraawi ararta waxa uu ku xifaale tuurayaa rag silsiladdii Deelleyda ka qeyb ahaa oo uu sheegayo doodduba in ay dhacsanayn. Tuducyada hore waxa uu tilmaamayaa in Deelleydu ay “doc qura shifaysay,” taas oo ka dhigan inuu wax ka eegayo xagal ka duwan xaglihii laga eegay dooddii ay Deelleydu daarranayd. Tabashooyinka in aan la isla toyan ayuu ku sii darayaa… oo dhibaatooyinkii wali sidoodii yihiin. Isaga oo leh: →

“Lama baanan doogtii

Dakharkiina lama dhayin,

Wuu sii darsanayaa…”


Waxa uu intaa sii raacinayaa, sida ay noloshiisa iyo suugaantiisu ka marag kacayaan, nin waajib saaran yahay oo bulshada codkeedii ah in uu yahay ayuu tibaaxayaa – waliba ay u dheer tahay in uu yahay ergeygeeda xaqeeda u diran: →

“Anna waxa la ii diray

Daaraanta godobtoo,

Nabarrada damqanayaan

Hadba Dacar ku noolayn,

Illaa Daayin abidkay

Dawankaan ruxruxayaa…”









Waxaa inoo muuqanaya in Duleed inta uu maqnaaba u war hayn jirin reerka, isgaarsiin xumo ama dayac midka ay noqotaba. Muddo dheer ka dib, waa isaga reer degtay xaalkooda warsanaya. Waa nin duddadiisa intaasba dool ka ahaa oo ay dan u run sheegtay oo sidaa darteed soo guryanoqday. Waa nin reerka aad u tebay: →

“Marmar baan daraaddiin

Degdegiyo kalgacallada

Oran jiray ma duushaa?”

 











Hadraawi si falsami leh ayuu sheekada u shubayaa. Qaab uusan isxigxiggu muhiim ahayn balse ay dhacdo ba dhacdo kale ku xiran tahay ayuu u werinayaa sheekada reerka. Horreysaba Duleed ayaa ku furaya; “/duni waan ku dhaqannoo, dareen laga ma waayee…/”. Meesha kama saarayo in ay dhibaato macquul tahay. Dibadyaalna in uu “/dareen ma leh… dadna waa fayow yahay/” yiraahdo ayuu haddana war dhiillo leh jawiya u dhiibayaa. Waxa uu na tusayaa, maaddaama dareen ma leh la yiri, in reerku ladan yahay sidaa darteedna xaalwaraysiga uu ka billaabay goreygii uu yaraanta ku ogaa – intii uu xaal warreysan lahaa waalidkii, xaaskii iyo carruurtii uu ka tegay.

Waxa aan ogaanaynaa geerida goreyga, awrkii reerka, duqii reerka oo ay ku xigsatay duqdii, ka gadaalna carruurtii iyo afadii. Waa dhimashooyin wada xiriira. Goreyga lafaha awrka odayga duugta loo ga dhigay ku dhintay; duqda odayga dabadii daadku qaaday inta ay carruurtii duumo tirtirin iyo afadii uu jinku dheg-dhabay inta aysan xoolihii dabar go’in. Waa halaag xiriir ah iyo dhiillo uu abwaanku tebinteeda ku farayaraystay.

Reerka uu Duleed warsanayo waxa uu metel ama summad u yahay dadka Soomaaliyeed oo u qeybsamay qaar colaado beeleed, daadad, duumo iyo abaaro ku le’da iyo qaar kadeedan oo nadaam dulmi ah ku hoos nool. Illaa maanta waa sidii berigaa.

Duleed aad ayuu u qaracmay marka uu helay sheekada hoogga reerkii ku dhacay: →

“Duleedoo aqoonsaday,

inaan Guul danbaysoo

lagu diirsadaa harin,

ayaa daymo Murugo ah

Dibno jiitamaayiyo,

Deelqaaf ku yiri ciil…"

 

 

Inta uu uurkutaallo iscelin waayay; isaga oo quus taagan, sida ereyda culeyskooda ka muuqata xanaaq isciilkaambinaya ayuu ku caataabay: →

 

"Reerkan Daaha loo rogey,

Dubbihii Ilaahay

Darandoorri ugu dhacay,

Dam-daguugan laga dhigay

miyaad Guul-darraystow,

Nabad iyo dardaan iyo

igu tiri dareen ma leh…”

Marka ummad dubbaha Ilaah darandoorri ugu dhacayo waa mar ay midnimo lahayn, mar ay istirsan oo ay isdaysay. Marka aan xoogga iyo xikmadda la midayn waa la kala daataa oo la nuglaadaa, ka dibna waxaa soo baxa dad xanuun days ah oo laabtooda laga tiray inna in la digigixoon karo .

Waxa uu leeyahay ba’an aad iiga sheekeysay iyo “/dareen ma leh/” isma qabtaan ee “/waxa duurxulkaagani, kaa daarran yahay sheeg/”. Dibadyaal ayaa na loo tusayaa in uu yahay nin waa hore damaq daayay. Waxa na loo sawirayaa dareenka Dibadyaal sawir aan uga maaranno ereyo tiro badan: →

“Dibadyaal kal adakaa

Naxariisi kuma duxin…

Danqashada walaalkii

Weji duban ku baabi’i”


Dibadyaal waxa uu u daadegayaa inuu dalkii ka sheekeeyo; /waxuu yiri; “degmadayada, dugsi keliya baa jira, diric keliya baa dhiga…/” Waxa uu sawirayaa in dowladda keliya loo magan yahay uu hal nin iska haysto. Hal xisbi iyo askari kelitalis ah ayaa dadka hal aragti wada bara. Dawladda ayuu dugsi ku metelayaa. Dugsi ay doorka iyo waxgaradku ku daataan, waayo casharradiisa ayaa ah kuwo qof waxgarad ah uusan barin karin: →

 

“Dersi baanu baranaa

Dulliga iyo beentiyo,

Doqonniimo faankiyo

Qoqobkiyo dirsoociyo,

Ducadiyo yaboohdiyo

Inta laga diqoodiyo,

Dawarsigu ka kow yahay

Digashadu u mudan tahay”


Waxa la is baro ee dawladda laga helo waa dhaqan bulsho yeelato intii ugu xummayd ee faafkoodu sababi karo in ay dadku burji dumaan dabadeedna burburaan. Waa dal ay isdabaalinta iyo munaafaqnimadu la degeen oo ay maxaa kaa galaydu caadowday. Waa degmo dhufaanan oo aan xaqa lagu dhiirran karin haddana la ciillan yahay oo ay dadku inta ay doonistoodii waayeen diidmadoodii u yeelmeen: →

 

“Dibnahaa la cunayaa

Qosolkaa la deexdaa,

Adigoo il dabayaa

Dadku inaanay kaa garan,

Misna lagu dadaalaa

Marka aad Duleedow,

Sidaad doonto weydaad

Sidaad diidday yeeshaa.”


Qofkii aan hayin wali noqon innagaa ka dhigna oo u horseedna, ayuu leeyahay. In gacanta la qabto ayaa xaqiiqooyinka uu arki lahaa laga daahaa oo dulmar lagu mootiyaa. Qofka wax maqli kara dhegahaa loo oodaa si uusan wixii jira u maqal. Marka ay hadal noqotana waa af baqayaa arrin ma leh:

“Deeqsiinta hadalkana,

Farahaannu dirannaa

Iyagaa ka door roon,

Dibno sheega godobaha”


Waxa uu si duurxul ah u bayaaminayaa in barwaaqada iyo dheeftu dalka u sinnayn ee meeshii la doono lagu di’iyo. Dalka ayuu ku metelayaa doox seeran oo ay calafkiisu laastaan in “dalqada gowso ku leh”. Waa dhaqaalihii dalka oo ay koox hunguri weyn durduuranayso.

Waxa uu halkaa uga gudbayaa nadaamka caddaaladeed ee dalka ka jira. Waa caddaalad magacuyaal ah oo mugdi iyo meel madow lagu meel mariyo. Meerisayada taa muujinaya habdhaca ayaa sii qurxinaya:

“Dayaxaannu awdnaa,

Qorraxdaannu daahnaa

Nuurkaannu daminnaa,

Mugdigaannu daarnaa

Dabadeeto fulinnaa,

Sharcigii dalka u yiil…”

Mar uu ka warramayo qofka mudan sida loo weyneeyo waxa uu noo sheegayaa in qofka waxgalka ah la naco, la silciyo oo la waxyeelo am aba la dilo:

“Ninka raga daryeelkiis

Ama duubka sharafkiyo,

Derejada la siiyaa

Dabar iyo nac weeyaan…”

Dabbaaldeg iyo dhalanteed ayaa lagu wada qanacsan yahay oo waxqabad macne la’aan ah ayaa la isku daawanayaa oo baraare iyo horumar laga dhowrayaa. Waxa uu leeyahay, waa dal ku hodma balaayada oo ku horumara. Waa dad rummeystay haddii inta xun inta ugu sii xun aysan ku dhicin in aysan daasadahooda maran waxba ugu dhacayn, oo aysan baahi beeleyn iyaga oo hoog ka leefin. Intii baas leh in uu taxo ayuu ku afmeerayaa, “/…miyaa daasadaha maran, dirham noogu dhacayaa?/”.

Waa dal daacadnimadii laga dhoofiyo oo dulmi la soo dejiyo. Waa dal la la yaabo wixii habsami u qabsooma ama laga guul gaaro: oo “/dadku waxay la yaabaan, dan quntaa u fara badan/”. Waa dal wixii jira iyo wixii dhacayaba ay anfariir leeyihiin, oo waxyaabo aan macquul ahayn ay wada dhacayaan: “/Dibida iyo weylaha, waxa dhala dameerrada/”. Oo “/Ruuxii la duugaa, marka laga dareeruu, dardar soo ceshaa[yoo]…/”.

Waxa uu nadaamkii jiray ku suuraynayaa habar qaraweyn oo Dajaal la eg, dhakadana il ku leh. Waa summad u taagan foolxumada iyo sharkii kelitaliskii askarta. Isaga uu duurxulkiisa sii wata ayuu leeyahay habartii (nadaamkii) muddo dheer oo durraamo ah ka dib waxa ay dhashay wiil derderan (kelitalis gurracan).

Waxa uu qarannimada ku metelayaa hal uu ninkii lahaa ka hurday oo in ay dibbootay bahallo cuneen, ninkiina in uu xaqiiqada isdiidsiiyay hashii warasanayo. Waxa uu ku sii darayaa oo ku sarbeebayaa in ninka hasha raacay uu “doofaaro dhiqi jiray” uu na ahayn ku geel yaqaan.

Dibadyaal iyo Duleed waxa ay isaga sii sheekeynayaan sida uu midba ku noolaa iyo si xaal u ahaa illaa laga soo gaaro gunaanadka maansada. Gebagabadu maansadu waxa ay u muuqataa ka gaarsiis, sida qoraalkaygan aan ku daalay. Waxa uu abwaanku maansada ujeedkeeda ku sheegayaa; in ay dadka barayso, “/in dedaalku wacan yahay../” duurxulna uu ku jiro. Waxa uu Hadraawi qof kasta hoggaan ah kula dardaarmayaa:

“Dadka aad ka dhalatiyo,

Dalka aad u dhalatiyo

Nin la yidhi danta u tali,

Hodon laga dabqaatiyo

Dirac iyo fariid noqo,

Dibin daabyo ka ogow…”

Bilowga maansada ayuu xusayaa xil in uu meerto yahay. Ereyo ujeeddo ahaan uu saaxiibkii Rashiid kula hadlayo ayuu nuxurkoodu sidaa yahay: “/dantu waxay u magan tahay; darka fayl isdhaafiyo, darandoori shubiddee/”. Waxa uu intaa sii raacinayaa:

“Duco iyo xusuus iyo,

Duug aad ka dhaxashide

Xilka Daacad ugu hay,

Ha dullayne gaarsii

Meeshay daraaddeed,

U galeen dagaakii

Diiftiyo kulka lahaa…”


Waxa uu odaytinimadiisii cabqariyada lahayd hoggaanka iyo waxgaradka umadda kuu sii farayaa in ay dardaaranka kore ku sii daraan:

“Dib u dhaca ka maaree,

Dumar iyo rag hawl geli

kartidooda deeqsii,

Derejow sugnaatoo

Guul baa u dagatee…”


Si guud, maansada Dibadyaal waa nin aan yaabin oo war yaab leh u sheegaya nin aan yaab arag. Waa nin macaaday oo u warramaya nin ay miciyi mudin. Waa nin intaasba u joogay wax kastoo lala yaabo oo dalka ka dhacay, ugu dambaynna yaabba gooyay. Duleed, isagu waa nin yaabla' oo wixii dhacayayba moogaa oo ay dalka ugu dambaysay inta aysan askartu afgambi ku qabsan. Maansada waxaa ku jira dhowr tuduc oo nagu yaab ah oo haddana aan la la sii yaabin, waayo waxa aan la joogin xilli la yaabo iyo meel lagu yaabo.

Waxa aad mooddaa illaa maanta in sidaa la yahay oo aan la yaabi karin oo aan laga yaqyaqsoon karin nolosha ay liidnaantu harraysay. Fiiri, dareenka iyo dammiirka dhufaanan ee aan gadoodi karin, iyo kasha aysan kolna ku soo dhacayn in ay iska diiddo nolosha gobannimo la’aanta ah – maanka aysan soo marayn in uu xilkas noqdo. Xaalkeennu wali waa sidii, oo sidii ayaan nahay dibadyaallo iyo duleedyo baryo iyo tacaddi ku hoos nool.