Billowgii curashada sanadka 2023 ayaan niyaystay in aan
cunta karinta barto. Waxa ay ugu mudnayd dhowr arrimood oo ay ka mid tahay
barashada far-qoraalka suubban (penmanship). Waligayba waan jeclaa barashada
cunto karinta, waana qiimeeyaa dadka xirfad ahaan xariifiinta ku ah. Marar qaar
ayaan daawan jiray; barnaamishyo telefeshinka ka baxa iyo muuqaallo la soo
dhigo kanaallo YouTube, kaliya si aan marqaati uga noqdo sida cajiibka ah ay
dadka barkood wax u kariyaan. Laakiin hadda marqaatinimadii waan ka baxay oo
waxaa aan ku daawadaa indho ardayeed, oo casharro ayay ii yihiin muuqaallada
cunta karinta ee aan daawado. İllaa hadda arday isu sii bogaya ayaan ahay!
Saaxiibaday qaar ka mid ah ayaa u qaadan waayay marka aan la
wadaagay dhab ahaan in aan wax kariyo. La igu ma baran mise la igama filayn?
Mid ay noqotaba iyaga oo howshayda la yaabban ayay bogaadiyeen oo ay igu
ammaaneen.
Baahida ama aan dhaho danta iyo daruurada ayaa qofka nolosha
barta. Illaa muddo aad ayaan aad uga maagay in aan iskuqaado, xitaa in aan
iskudhibo xirafadda cunto karinta oo fiyoobiqabkayga iyo badbaadayda noole
ahaan laga-ma-maarmaan u ah. Ugu dambayn, waan ku qasbanaaday inaan naftayda
uga hiilliyo cunto maqaayadeed aan dhadhan lahayn oo aan dhibsaday. Waxa aan
noqday qof samaysan kara cunto dhadhan leh, ugu yaraan aniga ii leh.
Cunto kasrisku ma dhib la’a, balse haddii ay dan ama daruufi
keento loo ma adkaysan kari waayo. Caajiska howsha qabashadeeda ku meeran ayaa
ugu xun – ugu yaraan aniga iigu daran. Illowse waa laga korayaa caajiska oo waa
la qabitamayaa howsha haddii la joogteeyo, sida beryahan saddaxda ah aan tajrubo
ahaan ku maray.
Waxa aan ku soo xirayaa, qof aan cunin cunto ay gacmihiisa
sameeyeen cunto ma cunin, waayo cuntadaadu kaliya ma ahan cunto magaca iska wadata
ee waa miraha daal iyo dedaalkaagii oo aad u bogayso xitaa haddii aysan macayn.
