Waxaa qoray Guy de Maupassant
Si waalli ah ayaan u jeclaaday!
In qof jacayl helo maxaa keena? Waa sidee in qofi dunida oo idil hal uun indho u yeesho, hal feker maanka ku haayo, hal lahashana laabta, uu magac kaliyaana dibnaha ka go'in — magac soo noqnoqda, burqada, sida ilo biyood, ka yimaada gunta nafta oo dibnaha soo dhaafa. Magac qofku ku soo celceliyo marar, mid qofku ku xanshaashaqo joojin la'aan, sida tasbiix.
Waxaan rabaa sheekadeenna inaan kuu sheego, walow jaceylku leeyahay sheeko mid ah oo soo noqnoqota. Waan kulannay oo waan jeclaaday; waa intaas! Sanad dhan waxaan ku noolaa debecsanideeda, salsalaaxa gacmaheeda, dhunkashooyinkeeda, ereyadeeda, duggaal dhammaystiran, dhan. Oo waxaan quutay wax walba oo dhankeeda ka yimid illaa aan dan ka galin habeen ama maalin tan ay tahay, inaan mayd ahay ama aan noolahay — dul joogo arladeena gabowday.
Kadibna way dhimatay. Sidee? Ma aqaan; hadda waxba ma ogi. Balse fiid ayay guriga timid iyada oo qoyan, oo roob mahiigaan ah ayaa da'ayay. Maalintii xigtay way qandhanayd oo sariirta ayay ku aruurtay. Wixii dhacay ma xasuusto, laakiin dhaqaatiir ayaa timid, wax bay qorqoreen oo tageen. Daawaa la keenay, oo dumar baa cabsiiyay. Gacmaheedu way kululaayeen, foolkeedu wuu karayay, indhaheeduna kuwo ifaya oo murugo leh. Mar aan la hadlay, way ii jawaabtay. Laakiin ma xasuusto hadalkii ay i tiri. Waxwalba waan illaabay, waxwalba, waxwalba! Way dhimatay, oo si fiican ayaan u xasuusanahay taaheedii naxuuska ahaa. Kalkaalisadii ayaa tiri, 'Ax!' Anigana waan fahmay. Waa aan waayay!
Aaska ayaa la iga talagaliyay. Waxba ma xasuusto, inkasta oo aan xasuusanahay naxashkii, iyo shanqartii buriska markii ay ku musbaarayeen.
Waa la aasay! Aaseen! Iyadii! Oo iil dhex taal! Dad baa yimid, saaxiibo dumar ah, balse aniga inaan ka siibtay, ayaan isaga tagay. Waan orday, misana waddooyinka lugeeyay, gurigii ku noqday, aroortii xigtayna waxaan u diyaar garoobay socdaal aan ugu guryanoqanayo tuuladaydii hore.
Shalay uun ayay ahayd markaan Paris ku soo laabtay, ee aan qolkaygii dib u arkay — qolkeennii, jiifkeennii, alaabteennii, waxwalba oo ka haray nolosheennii wadajirka ahayd. Tiiraanyo hor leh ayaa weerar kulul igu soo qaadday, illaa aan hammiyay inaan daaqadda furo oo iska tuuro. Naftu ima siinayn inaan ku dhex negaado darbiyadii hooyay, ee la haray kummanaan ah atamyadeeda, dubkeeda iyo neefteeda.
Koofidaydii ayaan kor u soo qaatay si aan meesha uga baxsado, markii aan iridka gaarayna, waxaan sii dhaafay miraayad weyn oo hoolka tiil, taa oo ay iyadu meesha dhigtay si ay isugu fiiriso maalin kasta marka ay sii baxayso, oo ay u hubiso inay hagaagsan tahay oo ay quruxsan tahay. Miraayaddii, ay in badan ka soo muuqatay, in badan oo la dhihi karo sawirkeedii ayay la hartay, ayaan in yar hor istaagay. Halkaas ayaan istaagay, aniga oo gariiraya, indhahagayguna ku dhaygageen miraayaddii u hantiday si la mid ah sida aan u hantiyay.
Bannaanka ayaan u baxay aniga oo ku sii jeeda dhanka xabaalaha. Waxaan tagay qabrigeedi caadiga iska ahaa, oo loo yeelay iskutallaab ka samaysan mutuleel cad. Dhanka madaxeedu xigay waxaa lagu xardhay ereyadan kooban:
❝Way jeclaatay, waa la jeclaaday, kadibna way dhimatay.❞
Halkaas ayay tiil, hoos iyo gunta madow ee arlada! Xumaa! Waan ilmeeyay aniga oo foolkayga dhulka ku haaya, halkaa ayaan ku hakaday waqti dheer, waqti dheer. Waxaa ii muuqatay in habeenku sii dumayo, oo doonis yaab leh oo waalan ayaa igu dhalatay, doonista mucaashaq quus ah ayaa i haleeshay. Waxaa igu dhalatay habeenka, habeenkaygii ugu dambeeyay, inaan qabrigeeda ku bixiyo. Balse sidee uga dhabayn karay? Waxaa suuragal ahayd in la i arko oo la iga buriyo. Waan xeel badnaaye, inaan istaagay ayaan billaabay inaan dhex wareego magaalada maytada. Waa aan socday oo socday.
Halka ugu shisheysa xabaalaha markaan gaaray, ayaan mar kaliya xaqiiqsaday in ay tahay qeybta ugu qaddiimsan, oo dadkii kal hore lagu asturay ciidda ku soohmeen, oo waa meel ay iskutallaabyadu laftooda duugoobeen. Waxaa ka buuxa ubaxyo kush ah, geedo sarwi ah, madow oo dhumuc leh, beer qurxan oo murugo taal, oo ku naaxday jir dadeed.
Kali baan ahaa, kaligay oo bes ah. Geed baan ag kadaloobsaday oo ku dhakaday laamihiisa cufan ee mugdiga ah. Waan sugay, aniga oo jiridda ku dheggan, sida nin doon la qarqoontay ugu dhego gabal alwaax ah.
Mar uu gudcurkii isgaaray ayaan magantii ka soo baxay oo aan billaabay inaan taataaksado, aniga oo saan tiranaya dhul ay mawtadu cammirtay. Meelaha ayaan cabbaar warwareegay, laakiin iima suuragalin inaan qabrigeeda helo. Aniga oo gacmahaygu furan yihiin ayaan marba qabri ku dhacay, waan se heli waayay. Sida nin indhool ah, oo jid goobaya, ayaan marba meel taabtay. Waxaan taabasho ku dareemay dhagxaantii, macatabyadii, birihii teedka ahaa iyo xirmooyin ubaxyo ah oo dharay! Magacyadii ayaan akhriyay aniga oo farahayga xarfaha la raacaya. Laakiin magaceedii waan heli waayay mar kale!
Dayax ma muuqan. Habeen muu ahaa! Waan cabsooday— si daran baan u baqay — sida aan u jibaaxayay qabriyada safan. Qabuur! Qabuur! Qabuur! Waxaan qabriyo ahayn ma muuqan. Midig, bidix hortayda iyo hareerahayga, dhan walba waa qabuuro! Mid baan ku dul fadhiistay, waayo ma socon karin oo waan daalay. Wadnahayga garaaciisa ayaan maqlayay. Ka dibna shanqar ayaan maqlay. Maxay ahayd? Shanqar qasan oo aan magac lahayn. Ma cod madaxayga ka dhex yeerayaa, habeenkan aan la gudi karin, mise mid ka imanaya hoosta dhulka ee dahsoon, dhulka meydka lagu beeray? Dhinacyada ayaan fiirfiirayay, ma sheegi karayn intii aan halkaa joogay; argaggax ayaan la nuuxsan waayay, baqo ayaan la barafoobay oo geerina u diyaargaroobay.
Durba, waxay ila noqotay mir mutuleel ah oo aan ku fadhiyay inay dhaqaaqayso. Dabadeed waxaan garaystay inayba dhaqaaqayso, sidiiyoo kor loo soo qaadayo. Xabaal deris la ah ayaan ku booday. Kadib, si aan caad lahayn ayaan u arkay dhagaxii aan ka kacay oo kor u kacaya. Qof meyd ah ayaa soo muuqday, qalfoof qaawan, oo dhagaxyada dhabarka ku soo curjinaya. Ileys naxdin leh ayaa qabriga ka soo kaahay. Si fiican baan u arki karay, walow habeenku dam ahaa. Waxaa ii muuqday oo iskutallaabta ku qornaa:
❝Halkan waxaa ku aasan Jacques Olivant, oo ku dhintay da'da kow iyo konton. Wuxuu jeclaa qoyskiisa. Waxuu ahaa milgoole naxariis badan, oo nimcada Rabbi ku dhintay.❞
Ninkii meydka ahaa laftiisa ayaa akhriyay wixii xabaashiisa ku qornaa; kadib dhagax yar oo af dhuuban ayuu dhulka ka soo qabsaday, waxa uu na billaabay inuu xarfihii u xoqo si taxadar leh. Aayar ayuu masaxay, moqorrada indhihiisana ku eegay meelihii ay ku xardhanayeen. Dabadeed caaradda laf ahaan jirtay murdisadiisa ayuu ku dhigay xarfo dhalaalaya:
❝Halkan waxaa ku aasan Jacques Olivant, oo ku dhintay da'da kow iyo konton. Diirxumadiisa waa ka geerida aabbihii soo dadajiyay, isagoo damciisu yahay inuu hantidiisa dhaxlo. Naagtiisii ayuu jirdilay, carruurtiisiina wuu silciyey, deriskiina wuu khiyaameeyey, intuu karayna wuu dhacay, ugu dambaynna si xil leh buu u dhintay.❞
Markuu qoraalkii dhammeeyay, meydkii wuu istaagay isaga oo nuuxsanayn oo howshiisa indhaha ku haya.
Sawaxan gadaashayda ah ayaa dhiigayga sii kiciyay. Markaan gadaal eegay waxaan arkay xabaalihii oo wada feydan, meytadii oo ka soo wada yaacay, oo tirtiray beentii ehelkoodu ku xardheen qabuurradooda, ku na beddelay runtii. Waxaan arkay, aabbayaashan wanaagsan, afooyinkaa aaminka ah, wiilashan baariyaasha ah, gabdhahan khabaar-moogga ah, ganacsatadan mukhlisiinta ah, ragga iyo dumarkaa lagu sheegay ceeb-ka-saliim; inay kulligood ahaayeen kuwa deriskooda caddibay, aad u xun, daacaddaran, labawejiilayaal ah, beenaalayaal iyo caadaqaatayaal ah; in dhammaan ay xatooyo ku kaceen, khiyaameen, oo ay sameeyeen wax kasta oo ceebaal leh, fal kasta oo xumaan lagu sheegi karo. Dhammaantood waxay qorayeen runta, runta qaraar ee qof kasta ka qarsoonayd, ama laga dhigayay in la moogaa, inta ay noolaayeen.
Waxaan ku fekeray in iyadii–gacalisadaydii ay sidoo kale wax ku qortay xabaasheedii. Waxaan baqdin la'aan ku dhaafay naxashyadii qeyb ahaan feydnaa, ee dhex yiil meydadka iyo qalfoofta. Waan hubay inaan iyada isla markiiba heli doono. Markiiba waan gartay, aniga oo aan arag wejigeedii oo ay karfan qarisay, iyada oo ag taagan qabrigii ay ka soo fuftay. Gacanteedu waxay u fidsanayd xagga dhagaxa yiil madaxa qabriga, si qurux badan oo aan anigu kaliya aad u aqiin. Iskutallaabta mutuleelka ah, een xoogaa ka hor u akhriyay:
❝Way jeclaatay, waa la jeclaaday, kadibna way dhimatay.❞
Markan waxaa ku qornaa:
❝Iyada oo maalin roobaad u soo baxday si ay gacaliyaheeda u khiyaanto oo nin kale u la kulanto,ayaa waxaa haleelay hergab ay u dhimatay.❞
Waxay i heleen aroortii dambe kol ay waaberkii tahay, aniga oo oo miyir daboolan oo dul aal xabaasheeda.
