Warqaad uu qoray David E. Reed – (Maarso 11, 1955) oo ku socota Md. Walter S. Rogers, agaasimihii xilligaa ee Institute of Current World Affairs.
Md. Rogers,
Warqaaddaan waxa aan billaabay intii lagu guda jiray booqashadaydii Soomaaliyadi hore ee Talyaaniga (ex-Italian Somaliland) bishii Jannaayo. Waan waday [qoristeeda] aniga oo ku jira mashquul safar iyo howlo kale oo culus oo aan ku maray Keenya iyo Yugaandha bishii Febraayo. Toddobaadkan ayaan ku dhammeeyay Koongada Biljamka, aniga oo doon uga safraya webiga Koongo [degaanka] Stanleyville[1] kuna jeeda Léopoldville[2].
⁂
Waxa
ay ahayd shantii galabnimo Axad ah iyo Muqdisho, caasimadda waxii ahaan jiray
Soomaaliyadi Talyaaniga ee hadda ah dhulka Soomaaliyeed ee ku hoos jira
maxmiyadda Qaramada Midoobay. Kafeteeriyaha wadada-dhinaceeda ku yaalla ee Albergo
Croce del Sud ama Hoteelka Iskutallaabta Koonfure waxaa buux
dhaafiyay dad u soo baxay in ay ku layrsadaan. Galabkii oo dhan kuleyl ayaa
jiray oo daaqadaha magaalada oo dhan qorraxda dhiirrida ah ayaa la ga xiray.
Laakiin hadda cadceeddu waa ay u sii dhacaysaa qaaradda Afrika oo ugu dambayn
xoogaa waa qabow. Jiilaashigii (monsoon) ayaa si aad ah uga soo rogmanaya
dhanka Badweynta Hindiya. Geed timireedka ku teedsan Corso Regina Elena,
oo hoteelka hor marta, ayaa dabayshu mar ba dhan u la ruxmay. Maryaha miisaska
kafeteeriyaha dusha ka saarnaa [dacalladooda] ayaa geesaha hoose ee miisaska la
gu xejiyay si aysan dabayshu waddada ugu tuurin.
“Meeshan
way noo ga dhammaatay.” Ayuu yiri Giuseppe. Waxa uu ahaa nin gaaban, Talyaani
dhalinyar oo xoog leh, tima-caddays Toscana ka soo jeeda, oo Soomaaliya muddo
saddex sano ah la joogay hay’ad maaraysa ayaxa (Desert Locust Control). “Shan
sano ka dib waan tagaynaa, meeshanna kuwan ayaan ku dhaafaynaa.” Ayuu u yiri si
yasid leh. Waxa uu u dan lahaa koox dhalinyaro dub-madow oo Soomaali ah oo dharka
reer galbeedka ku lebbisan, miis nagu xigana fadhisay. Xilliyadii Faashiistaha
loo ma ogolaan lahayn in ay fadhiistaan Croce
del Sud ama meel kale oo ay Talyaanigu ku
badan yihiin. Laakiin maalmahan Soomaaliya waa mid tii hore ka duwan.
Talyaanigu kaliya waxa ay la gaar yihiin kalaabyo qaas ah, balse dhammaan
hoteellada, maqaayadaha iyo baararku waxaa tagi kara qof walba. “Bal halkeen
aadayaa haddii ay madaxbannaani helaan?” ayuu yiri Giuseppe. “Yaa ba sheegi
kara? Talyaaniga shaqo ma taal, in Maraykan la tagana aad bay u adag tahay.”
Soomaalida oo ah muslimiin [khamro] cabidda ka caaggan ayaa waxa ay koobab yaryar ku cabbayeen qaxwe madow oo qaraar. Waxa ay u hadlayeen si xanshaashaq ah oo hugun leh. Soomaalidu waxa ay can ku yihiin tabo in ay maleegaan, waa tiiyoo ay xornimo gaarayaan 1960 haddii la gaaro, marka qorshayn iyo siyaasadayn badan baa u yaalla.
“Na
keen, aan baxno.” Ayuu yiri Giuseppe. Joogista Soomaalida ayuu dhibsanayay.
Waddada Regina Elena ayaan ku taruusnay waxa aan dhaafnay dhisme qaraweyn, cad
oo ay daaqadihiisu leeyihiin [habka] toox-qaanseedka Maqaaribta. Berigii ay
Soomaaliya gumeysiga Talyaaniga ku jirtay dhismuhu waxa uu ahaan jiray xarunta
duqa magaalada. Maarshaalkii tagay ee Rodolfo Graziani ayaa 1935 halkaa waxa uu
ku dejiyay qorshihii uu duullaan ugu qaadi lahaa Itoobiyada deriska la ah. Waa
berisamaadkii gumeystaha Talyaanigu awoodda lahaa oo uu Mussolini ku tookhi
jiray Imbaraadoriyad Afrikaad oo ay Liibiya iyo Eritareeya ku jiraan.
Soomaaliya
sanadkii 1941 ayuu Ingariisku qabsaday. Waxaa uu ahaa qabsi uu dhiig ku daadan.
Askartii madoobayd ee guutada Nayjeeriya ayaa Muqdisho, oo ah caasimad Allaheed
leh, soo galay. Waxa ay ku arkeen boostarro sheegaya: “Guushu dadka Talyaaniga
ayay u dambaysaa.” Ciidanka Ingariiska ayaa xukumayay illaa 1950 markaa oo ay Soomaaliya
noqotay dhul maxmiyadeed hoos taga Qaramada Midoobay oo uu maamulka Talyaanigu
muddo toban sano ah madaxbannaani ku gaarsiinayo.
Liibiya
waa ay xorowday, Itoobiya Imbaraadorkeedii ayaa ku soo laabtay oo Eritareeya
xukunkiisa ayay hoos tagaysaa. Beryahan calanka Talyaanigu kaliya waxa uu
babbanayaa Soomaaliya waana la siibi doonaa marka Maamulka Wisaayada Talyaanigu
faarujiyo qasriga muddo shan sano ku siman.
Giuseppe
iyo aniga waxa aan ku lugeynay qeyb gabowday oo magaalada ka mid ah. Waxa ay u
ekeyd magaalo duqaymo burburiyeen oo ku taalla Yurub, laakiin bambooyin kuma
aysan dhicin. Daaro ka samaysan limestone oo ay Carab soo galooti ah dhiseen qarni
ama ka badan ka hor ayaa boor u sii hoobanayay. Sanado badan ayaa laga joogaa
in hoggaan Carbeed uu galaangal ku yeesho Muqdisho. Maanta Carabtu waa bulsho
yar ama la illoobay. Guryaha burbursan wali waa la adeegsadaa oo haween da’yar
oo Soomaali ah ayaa irdahooda fafadhiyay. “Waa sh*rmuuto.” Ayuu yiri Giuseppe.
Ereygu waa erey suuqeed Carbeed oo la macne ah dh*llo.
Waxaa aan soo gaarnay taallo qotonta
bartamaha goob fagaare ah. Jiilaashiga ayaa haatinayay carro salkeeda taallay.
Giuseppe ayaa in uu garbihiisa toosiyay akhriyay qoraal ku qornaa:
Sanaddii lix iyo tobnaad ee guusha; sanada saddex iyo tobnaad ee waaga Faashiistaha, Soomaaliyada Talyaanigu waxa ay si rayrayn iyo qab leh u soo dhowaysay; Xurmadle Vittorio Emanuele III, tusaalaha nool ee taariikhda iyo sumcadda Talyaaniga... hortiina jidbixiyeennadii, beeralaydii, askartii…
Halkaa
marka uu marinayo qoraalku waxa uu gaaray meel jaban iyo ereyo maqan. Cidna
abid iskuma dhibin in ay wax ka beddesho. Mar dhow qoraalku waxa uu noqon
doonaa mid aan bannaanayn. “Inteenna halkan joogta dhammaan Faashiistayaal
ayaan nahay,” ayuu yiri Giuseppe. “Mussolini waxa uu ahaa ninkii ugu
wanaagsanaa ee abid noolaada. Xilligiisii Talyaanigu dal weyn ayuu ahaa.”
Giuseppe
Soomaaliya ayuu u soo doolay waayo Talyaaniga shaqo kama heleyn. Talyaanigu billowgii
rejo badan ayay ka qabeen in Soomaaliya ay suuq u noqonayso malaayiintooda
dheeraadka ah. Laakiin Soomaaliya waa dhul qalallan, aan khayraad laga helay
lagu ogayn, oo kaliya waxaa ka suuragal ah xoogaa beerasho ah. [Soomaaliya]
waxaa laga dhigtay buundo loo gu tallaabo Itoobiya dhulkeeda sarreeya ee dihin,
laakiin waxba laga ma keenin. Sanaddii 1931 dhulka Soomaaliyeed waxaa joogay in
ka yar laba kun oo Talyaani, maantana waxaa jooga in ka yar shan kun.
Jiyoolojistayaal Maraykanka u dhashay ayaa shidaal ka sahminaya, balse haddii
la helo xukuumadda Soomaalida ayaa ka faa’iidaysan doonta, oo Talyaanigu kama
cabbi doono. Soomaaliya waa meel uu gumeystuhu ku jabay, laakiin Talyaaniga
Giuseppe oo kale ah waxa ay ka helaan in ay hilow dib ugu laabtaan maalmihii
wacnaa ee Imbaraadooriyada iyo Mussolini, tusaalaha kale ee “sumcaddii
Talyaaniga.”
Waxa
aan ku lugeynay waddo hareer marta xeeb lagu dabbaasho. Waxaa jirtay darbo
xooggan oo sigaarkaygii aad u basisay. Waddadu waxa ay ku dhammaatay Liido oo
ah kalaab badda saaran oo lagu caweeyo. Marka la gudbo waxaa la galayaa dhul ah
saxare iyo jiq goglan, oo Soomaaliya inteeda badan ayaa ah sidaa. Waxa ay ahayd
lixdii oo buuro ah – fiid cilcillowgii, gudaha Liido waxaa khamro ku cabbayay
oo gabdho Soomaali ah ku la jaasayay Talyaani isugu jiray kuwo askar ah iyo
kuwo aan ahayn. Haweenka Soomaalidu waxa ay leeyihiin midab qaxweed, wajiyo
qurxoon iyo indho madow oo ifaya. Qaabkoodu waa mid qorqoran oo arrinkooda si
joogto ah ayaa loo ga hadal hayaa bariga Afrika. Mudnaantooda waxaa sii
xoojinaya xaqiiqada ah danaynta loo muujiyo qalanjo Soomaali ah in ay cidlo ku
dhacayn.
Waayeel
Talyaani ah ayaa shareero ka tumayay muusig laabqaad leh. Ka dib ayuu mashiin
muusikeed (jukebox) la dananay heeso Maraykan oo ay ka mid tahay “Shotgun
Boogie.” Khamro ayaan dalbanay, Giuseppe
farahiisa ayuu ku durbaaniyay miiska maradiisu wasakhda ka muuqato inta ay
muusikadu socotay. “Maxaad ugu yeertaan, buu-gii, buu-gii?” ayuu yiri. “Waxa
aan jeclaan lahaa in aan Maraykanka tago. Ma dhabbaa in uu qof walba oo
Maraykan ah baabuur leeyahay?
Askarta
jaasaysay waxa ay siteen baskoolado ugu jiray galal sinaha ugu xiranaa. Askartu
dhammaan aad ayay u gaagaabnaayeen. Soomaalidu waa dad dhaadheer, waxa ay
gaaraan illaa hal mitir iyo siddeetan, oo gabdhuhu hoos ayay u fiirinayeen
abbaannadoodii hore. Talyaani cabsan ayaa isku dayay in uu kala dhex galo
lammaane oo gabadhii Soomaalida ahayd ayaa si xoogan dhan u riixday. Dhanka miiskeena
ayuu u soo gagabay, Giuseppe in uu arkay ayuu ku salaamay salaanta
faashiistaha. “Heil Hitler” ayuu ku qayliyay. “Viva il Duce – Ha Guuleysto
Hoggaamiyuhu” ayuu Giuseppe ku jawaabay isaga oo dhoollacaddayn qallalan u
raaciyay.
Askari
baa isku dayay in uu gabar Soomaali ah shumiyo iyadana dharbaaxo qafiif ah ayay ku
dhufutay. Askartii kale ayaa ku qososhay. Gabar Soomaali ah ayaa dhalo khamri
ah meesha lagu jaasayay ku tuurtay oo waa ay burburtay. Adeegaha baarka oo
Carab ahaa ayaa soo orday oo waxa uu doonay in uu gabadha banaanka u tuuro.
Talyaaniga milkiilaha ahaa ayaa kala dhexgalay oo xaalka qaboojiyay, gabadhiina
raalligelin ayay bixisay. Wiil ayaa qarshooyinkii xaaqay, askartiina qosol ayay
isku celin la’aayeen. Cabbaar ka dibba mid mid ama koox koox ayay Talyaanigu
gabdhaha ula baxayeen. “Sh*rmuuto,” ayuu yiri Giuseppe. “Haweenka Soomaalidu
soo-jiidasho ayay leeyihiin. Kulli waan aqaanaa oo way iga helaan.” Qolka ayuu
isha mariyay. “Waxa aan raadinayaa saaxiibtey. Badiba halkan ayay joogtaa
laakiin hadda ma arko.”
Liido
waan ka tagnay oo waxa aan soo jeediyay in aan magaalada bas u raacno. Wuu igu
diiday Giuseppe. Madowga ayaa baska raaca. Lugayn ayuu ka doorbiday. Waxa aan
soo dhaafnay dhalinyaro Soomaali ah oo waddada taagan oo Giuseppe dareen ayaa
galay. Waxa uu i tusay in ay baskoolad Beretta ah ugu jirto gal garbed shaatiga
gacma-gaabka ah uga hooseeyay. Saaxiibkiis ayay beri dhowayd Soomaalidu dhagax
ku daqreen. Waxaa taa ka darnaa wixii 1948 dhacay. Maamulkii ciidanka
Ingariiska ayaa dhulka xukumayay oo in Talyaaniga wisaaya ahaan loo soo celiyo
ayaa Qaramada Midoobay loo ga doodayay. Mudaharaad ayaa ka billaabmay Muqdisho
oo Soomaalidu waxa ay dileen konton iyo kow Talyaani ah oo isugu jiray rag,
dumar iyo carruur. Xaaladdu waa ay deggan tahay hadda, laakiin Talyaanigu ma
aysan illoobin qalalaasihii 1948. Waxa aan Giuseppe weyddiiyay sida uu u arko
saddexdii sano ee uu Soomaaliya joogay. “Tanta miseria, silic xad dhaaf ah,”
ayuu ku jawaabay.
Aragtidii
Giuseppe ee mustaqbalkan halkan wedkeeda ayaa galay, laakiin dhalinyarada
Soomaalida ee reer Galbeedoobay waxaa aayoohooda uga ifiya ereyada ashqaraarka
leh ee Afrika ka aloosan: is-xukun. Dhalinyaradaa waxaa ka mid ah Cabduqaadir
Maxamed Aadan oo aan muddo macrifo nahay, oo waqti joogtaynayay kulamada hoose ee
ka dhaca Croce.
Cabduqaadir
muddo ku dhowaad laba sano la joogo ayaan kula kulmay diyaarad isaga gudbaysay
Baariis iyo Rooma. Waxaa uu ka soo laabtay New York oo uu cabashada Soomaalida
ugu gudbiyay Qaramada Midoobay. Cabduqaadir aabihiis waxa uu karaani u ahaan
jiray faashistihii Talyaaniga oo Cabduqaadir waxa uu ku soo koray magaalada
Muqdisho. Cabduqaadir waxa uu helay waxbarasho yar, ka dib aabbihii ayaa waxaa
ka hor timid noloshii magaalada oo degaankiisii ayuu u laabtay, kana noqday
nabaddoon. Cabduqaadir waxa uu ku haray Muqdisho, Talyaaniga ayuu karaani u
ahaa, waxa uu na guursaday gabar reerkoodu baadiyaha degaan, haddana waa
ganacsade ka shaqeeya dhoofinta iyo keenidda. Ganacsigiisu waxa uu u muuqdaa
mid si fiican ku socda, waayo Cabduqaadir waxa uu khiijiyaa kaliya sigaarrada Maraykanka,
oo ah kuwa ugu qaalisan, waxa uu na xirtaa shaarar isboorti ilqabad leh iyo
surwaallo. Waa nin siyaasadda uga jira meel mudan oo waa xoghayaha guud ee
Xisbiya Digil iyo Mirifle oo ah xisbi siyaasadeedka labaad ee dhulka ugu
awoodda badan.
Soomaalida
waxaa lagu tilmaamaa in ay yihiin Xaamiyiin oo way ka ab duwan yihiin dadka Baantuuga
iyo Neegraha ee Afrika. Cabduqaadir waxa uu leeyahay midab maarriin ah, tima
madow oo cufan, dibno yar iyo san dheer. Waxa uu ku jiraa da’ soddonaad oo
dhererkiisu waa mitir iyo siddeetan. Soomaalida kale wuu ka duwan yahay oo
xoogaa waa nin culus oo miisaankiisu waa sagaanshan kiilo qiyaas ahaan. Lug ayuu
jiis ka yahay sidaa darteed Soomaalida ayaa ugu yeerta “zoppo” – erey Talyaani
macnihiisu yahay jiis. Cag ayaa naafo ka ah, laakiin waxa ay u soo kordhisay
xarrago socod uu Cabduqaadir si walbaba yeelan lahaa.
Dhulalka
uu Ingariisku gumeysto, Afrikaanka “dhalanrogmay” waxa uu noqdaa mid aan laga
aqoon abaannadiisa Ingariis. Waxa uu caadaystaa in uu galabkii shaaho, waxa uu
xirtaa jaakad (suud jebis ah), xitaa waxa uu gaaraa heer uu yeesho qaab hadalka
cagajiidka ah ee ingariiska. Cabduqaadir waxa uu la barbaaray Talyaaniga.
Baasatada waxa uu u cunaa sida Talyaaniga ee buuqa leh, iyada oo baastada
qeybteeda hore afka ku jirto inta dambe na ay wali saxanka saaran tahay. Wuu ka
caaggan yahay oo vino roso ma dalbado, balse waxa uu aad u
doorbidaa acqua minerale, biyo mineral cad, oo uu cuntadiiba
raacsado. “Improves la digestione, dheefshiidka ayay haggaajiyaan.” Ayuu yiri
Cabduqaadir isaga oo calooshiisa aan sidaa u sii weynayn taabanaya. Cabduqaadir
waa nin dad jecel oo in uu hadlo ay ugu baxdo. Marka uu sheekeynayo waa qaab Talyaaniga
hadal-helid-ogaanta boobsiiska leh ee ka badbadintu ku laban tahay. Daqiiqad qosol
ayuu la dhaqlaynayaa, tan ku xigta gacmaha ayuu kor u tuurayaa, dabadeed
wajigiisa ayuu kaduudayaa sida in uu ooyi rabo.
[1] Hadda waa
magaalada Kisangani ee gobolka Tshopo, Jamhuuriyadda Dimuquraaddiga ee Koongo.
[2] Hadda waa
Kinshasa, magaalamadaxda Koongo.

