Bilkeedada Kun Habeen


Ray Bradbury oo ahaa qoraa ku caan ah sheekooyin nooca khayaalka cilmiyeed ayaa mar bixiyay talo ku aaddan qoraalka iyo noqoshada qoraa. Waxa uu ku taliyay in muddo kun habeen ah, habeen walba la akhriyo; hal maqaal, hal maanso iyo hal sheeko oo gaaban. Waa talo xiise leh. Sida muraadkaygu yahay, waxa ay ila tahay in samaynta tajrubadaa laga heli karo waxtar loo aayo – xitaa haddii aan qoraa lagu noqon. Ugu yaraan waxaa halkaa ka dhalanaya qof xog iyo xikmad uu nolosha ammuuraheeda siriqsan ku falkiyo siyaadsaday.

Inkasta oo aan ahayn mid joogtaynta iyo ku adkaysiga arrimaha uu billaabo ku fiican, bal aan markan isbilkeedo oo aan naftayda ku jarribo akhrinta hal maqaal, hal maanso iyo hal sheeko habeen kasta, muddo kun habeen ah (hadduu Alle idmo). Kun habeen waa soddon iyo saddex bilood ku dhowaad oo u dhiganta laba sano iyo toddobo bilood.

Maxaan akhrinayaa? Ma wax walba? Maya. Waxa aan akhrinayaa in xulan oo ku qoran buugaag lagu soo ururiyay maansooyin, maqaallo iyo sheekooyin gaagaban - iyo in filaqsan oo ururintayda ah. Waxa aan ku akhrinayaa Af Soomaali, Ingariisi aan badanaa wax ku akhriyo iyo Carabi aan xoogsado.

Af Soomaaligu maansada ayuu hodan ka/ku yahay, sheekada gaaban wali waa ka sabool, maqaallada lagu dhigayna badanka ma korana oo meelo hoose kama wareegaan. Ingariisiga waxa aan xoogga saarayaa waxsoosaarrada aan ahayn kuwa Ingariis, Maraykan amaba aan dhaho reer Yurub  ee Ingariisiga lagu soo tarjumay. Suugaanta tarjuman ee aan hamuunta ba'an u haayo waa tan dadkayga madow ee Afrika (in deggan iyo in dooshay), waxaa soo raaca kuwa Shiinaha, Jabaan, Ruush iyo Qaarad-u-egta Hindiya.

Waxaan rabaa akhrisyadaydu in ay ahaadaan kuwo ku salaysan waayo iyo marxalado kala duduwan. Haddii aan karo waxa aan ka soo billaabayaa bilowga taariikhda la yaqaan ee insaanka iyo ilbaxnimooyinkii isxigxigay ee dugoobay, inkasta oo aan tabtaa xiisaynayn.