Bilkeedada Kun Habeen


Ray Bradbury oo ahaa qoraa ku caan ah sheekooyin nooca khayaalka cilmiyeed ayaa mar bixiyay talo ku aaddan qoraalka iyo noqoshada qoraa. Waxa uu ku taliyay in muddo kun habeen ah, habeen walba la akhriyo; hal maqaal, hal maanso iyo hal sheeko oo gaaban. Waa talo xiise leh. Sida muraadkaygu yahay, waxa ay ila tahay in samaynta tajrubadaa laga heli karo waxtar loo aayo – xitaa haddii aan qoraa lagu noqon. Ugu yaraan waxaa halkaa ka dhalanaya qof xog iyo xikmad uu nolosha ammuuraheeda siriqsan ku falkiyo siyaadsaday.

Inkasta oo aan ahayn mid joogtaynta iyo ku adkaysiga arrimaha uu billaabo ku fiican, bal aan markan isbilkeedo oo aan naftayda ku jarribo akhrinta hal maqaal, hal maanso iyo hal sheeko habeen kasta, muddo kun habeen ah (hadduu Alle idmo). Kun habeen waa soddon iyo saddex bilood ku dhowaad oo u dhiganta laba sano iyo toddobo bilood.

Maxaan akhrinayaa? Ma wax walba? Maya. Waxa aan akhrinayaa in xulan oo ku qoran buugaag lagu soo ururiyay maansooyin, maqaallo iyo sheekooyin gaagaban - iyo in filaqsan oo ururintayda ah. Waxa aan ku akhrinayaa Af Soomaali, Ingariisi aan badanaa wax ku akhriyo iyo Carabi aan xoogsado.

Af Soomaaligu maansada ayuu hodan ka/ku yahay, sheekada gaaban wali waa ka sabool, maqaallada lagu dhigayna badanka ma korana oo meelo hoose kama wareegaan. Ingariisiga waxa aan xoogga saarayaa waxsoosaarrada aan ahayn kuwa Ingariis, Maraykan amaba aan dhaho reer Yurub  ee Ingariisiga lagu soo tarjumay. Suugaanta tarjuman ee aan hamuunta ba'an u haayo waa tan dadkayga madow ee Afrika (in deggan iyo in dooshay), waxaa soo raaca kuwa Shiinaha, Jabaan, Ruush iyo Qaarad-u-egta Hindiya.

Waxaan rabaa akhrisyadaydu in ay ahaadaan kuwo ku salaysan waayo iyo marxalado kala duduwan. Haddii aan karo waxa aan ka soo billaabayaa bilowga taariikhda la yaqaan ee insaanka iyo ilbaxnimooyinkii isxigxigay ee dugoobay, inkasta oo aan tabtaa xiisaynayn.


Madaxda iyo Musuqmaasuqa


Waxaa qoray Maxamed A. Warsame (oo aniga ayaa tarjumay)

Waxaa iga yaabiyay jawaabo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka bixiyay madal dhowaan dhacday oo u qaabaysnayd sida kuwa ka dhaca aqalka dowladda hoose ( ee dadweynuhu madaxda su'aalo ku weyddiiyaan marka Maraykan la joogo). Mar uu qof ka mid ah dadkii meesha joogay weyddiiyay su'aal ku saabsanayd war suuqa ku jira oo sheegaya in gabadhiisa shaqo diblomaasiyadeed oo sarraysa la siiyay, waxa uu ku jawaabay: "Xubnaha qoyska madaxda xilalka haysa xuquuqdooda in ay xil qabtaan kuma weynayaan in uu qof u dhow hoggaanka hayo."

Jawaabta uu bixiyay isaga oo ah madaxweyne aqoon leh oo haysta PhD, waxa ay ahayd mid laga yaxyaxo. Kaliya ma uusan difaacin habdhqanka noocaas ah balse waxa uu hadalkiisa ku dhiirrigaliyay madax kale oo ceebsanaysay in ay kharaabadooda shaqooyin ku naasnuujiyeen.

Jawaabtiisu waxa ay muujisay in uusan warba u hayn dawlad wanaagga, oo waxa ay muujisay aragti foorarta oo ku aadan xuquuqda iyo waajibaadka muwaadinka. Haddii dhicinta xuquuqda gabadhiisa ay ka dhigan tahay dhuminta tartan caddaalad ku dhisan (oo ay xaq u leedahay) gabadha cid kale, kama dhignaanayso xaquuq ee waa u sedburin. Waana xaqdarro cad.

Xuquuqaha iyo waajibaadka muwaadinka waa la dhowraa marka ay sharciga hortiisa siman yihiin, fursadaha waa loo simaa oo waxaa loo tartansiiyaa si daahfuran, caddaalad ah oo ku dhisan nidaam karti iyo aqoon la isku xusho (meritocracy).

Waxaase aad iiga sii yaabiyay dadka hadalkiisa difaacaya. Qaar ayaa ku dooday in gabadhu ka aqoon badan tahay dad badan oo xilal haya, oo waa dhag. Qaar kale ayaa ku andoocaday maaddaama aan la lunsanayn malyuumaad deeq ah — maba xuma.

Arrintan waxa ay i soo xasuusisay khudbaddii ugu horreysay ee Cumar ibn Khaddaab markii (13 H) ay Golihii Shuurada ee Saxaabada Khaliif u doorteen. Cumar waxa uu isugu yeeray carruurtiisa oo uu la hadlay ka hor inta uusan jeedin khudbadda caanka ah ee uu reer Madiino ku weyddiisanayay in ay toosiyaan haddii uu ku takrifalo xilka umadeed.

Waxa uu yiri, "Inta uusan Alle Sarreeye xilkan mudan igu mannaysan waxa aan ahaa kaliya xubin ka mid ah reer Cadii oo ah reer yar oo Quraysh ka mid ah. Ilaah ayaa Islaamka nagu karaameeyay. Haddii aan samayno wax burrinaya wacadkan muqaddaska ah, sidii hore ayaan u karaama beeli doonnaa. Wiilalyahow, haddii ay ciidanku midkiin (oo dambi galay) ii keenaan, waxa aan u ciqaabi doonaa si ka daran dadka kale — si aysan dadku kalsoonida Khilaafada u lumin.

Xilal idiinma dhiibi karo oo idiin eexan maayo. Masuuliyaddan ayaa midkeen culeys loo ihaaneeyo Maalinta Qiyaame ugu filan, sidaa darteed iskadaaya xilal awoodeed si aan u noqdo qofka kaliya ee reerkeenna maalinkaa Alle hortiisa lagu warsado."

Madaxweyne dhan oo heli kara teknoloojiyadii ugu dambaysay iyo xogtii caalamka taallay oo dhan waxaa fahamka dowlad wanaagga uga dheereeyay nin noolaa 1400 sano hortood!

Musuqu waa xaqiiqo ina wada taabanaysa, oo si gaar ah uga jirta dalkeenna Soomaaliya. Ma ahan mafhuum aan xiriir nala lahayn — oo waa dhibaato dhinacyo badan leh oo ka muuqata heerarka bulshada, oo  saamaynaysa dhaqaalaheenna, xasilloonida siyaasadeed iyo habsami-socodka dowladnimada.

Musuqu waxa uu noqon karaa mid maaliyadeed iyo mid aan maaliyad ahayn, mid toos ah iyo mid dadban. Musuqa maaliyadeed waa mid keena ku tumasho awoodeed si loo xaqiijiyo faa'iido shaqsiyeed, oo badanaa lacag baa loo adeegsadaa.

Musuqa aan ahayn kan maaliyadeed markasta lacag lama adeegsado laakiin waxa uu yeelan karaa saamayn aad u daran. Musuqa maaliyadeed waxaa tusaale u ah laaluushka, lunsashada, wax-isdabamarinta iyo baadda. Musuqa aan ahayn midka maaliyadeed waxa uu noqon karaa eex, qofjecleysi, gacanqabad, qaraabakiil iyo ku takrifalka hay'adaha dowladeed.

Noocyada kale ee musuqa waxaa ka mid ah; shaqaale aan jirin, waji-aqoon, ka ganacsiga saamaynta siyaasadeed iyo ka macaashka saadka dowladda.

Marka hoggaamiyayaasha la qiimaynayo, howsha ayaa hadalka ka xooggan. Maxay ka qabteen sharciyada, hay'adaha dowladeed, iyo dhiirrigalinta warbaahinta xorta ah?

Musuqa waxa uu khatar muuqata ku yahay bulshada, dhaqaalaha, xasilloonida siyaasadda iyo dowlad wanaagga. Aaminaadda hay'adaha dowladda ayuu dhantaalaa, sinnaanli'ida ayuu xoojiyaa, horumarka dhaqaale ayuu curyaamiyaa, oo waxa uu sababi karaa kicid bulsheed iyo qalalaase rabshad wata.

Dhanka dhaqaalaha marka la eego, musuqu waxa uu dhimi karaa maalgashiga iyo koriinshaha. Waxa uu abuuraa saaxo aan loo sinnayn, oo ay guusha ganacsiyadu ku xiran tahay cidda la yaqaano, halka ay ahayd in lagu qiimeeyo waxtarkooda. Taa waxa ay keenta in tartan caafimaad qaba uu suuqyada ka dhalan waayo.

Dhanka dowlad wanaagga marka la eego, musuqu waxa uu sababi karaa adeegyo bulsheed oo liita, oo lacago loo gu talagalay iskoollo, isbitaallo iyo kaabayaasha (waddooyinka iyo dhismayaasha kale) ayaa jeebabka lagu shuban karaa. Musuqu waxa uu ku dheeli karaa go'aannada siyaasad dejinta, marka ay hoggaamiyayaashu go'aannada wax-dheefkooda ku saleeyaan ee aysan danta guud ku salayn.

Inkasta oo ay mushkiladda musuqu u muuqato mid aan laga lug bixi karin, haddana waa laga adkaan karaa. Musuqa maaliyadeed iyo kan kalaba waxaa lagu dhimi karaa talaabooyin sharciyeed, hay'adeed iyo bulsheed oo wadajira. Kuwa ugu muhiimsan waa in ay noqdaan shuruuc iyo warbaahin madaxbannaan.

Kaalinta dadweynaha iyo nashaadka (activism) door muhiim ah ayay ka qaadan karaan dagaalka musuqa lagu diiddan yahay. Muwaadiniinta caadiga ah waxa ay kaalin muuqata oo musuqa lagu xakamaynayo ku yeelan karaan;  in arrinka laga warhayo, hoggaamiyayaasha la la xisaabtamo oo la iskajiro ka qeyb noqoshada falal musuq.

Musuqa waa mushkilo dhinacyo badan oo u baahan in dhinacyo kala duwan laga eego oo si aan kala dhinnayn loo wajaho. Marka aan fahamno noocyada kala duwan ee musuqa iyo sida loo wajihi karo, dhammaan waxa aan ka qeyb noqon karnaa kobcinta bulsho siman, caddaalad ah oo ladan.

Si wadajir ah aan ugu soo horjeesanno musuqmaasuqa oo u guntano Soomaaliya sidan dhaanta!

Aan xasuusnaano in xuquuqaha iyo waajibaadka muwaadinka la dhowro marba haddii sharciga hortiisa la siman yahay, fursadaha loo sinmo oo loo tartamo si daahfuran, caddaalad ah oo ku dhisan nidaam karti iyo aqoon la isku xusho (meritocracy).

Aan u halganno inaan noqono bulsho dhexdeeda xilalka hoggaamineed lagu hanto karaan iyo aqoon, ee aan lagu helin xiriirro iyo xididnimo reereed.

Filinka Arday: Faallo Kooban


Duubista muuqaallada Arday iyo sheekada isxigxigga warinteeda dedaal farsamo iyo hal-abuur ayaa ka muuqda. Kaamirada in jilayaasha lagu dhoweeyo waxa ay leedahay qurux laakiin markasta ma ahan. Ma aqaan filin duubista laakiin daawade ahaan jiliyaasha indhaha kaa galaya waxa ay iila muuqdaan in ay masaaxo badan ama musdambeedka jilayaasha meesha ka saarayaan. Muuqaallada waxaa bila hareeraha goobta ay jilayaashu taagan yihiin – goobtu ha ahaato mid dabiici ah ama naqshad la hal-abuuray.

Marka taa laga yimaado, filinka waxaa lagu dhaliilay “dhaqan bi’isnimo” – oo runtii ah dhaliil aan xaqiiqo ahayn, waayo qodobada loo cuskaday “dhaqan bi’isnimada” waa kuwo aan run ahayn. Waxyaabaha “dhaqan bi’snimo” lagu sheegay waa xaqiiqooyin bulsheed oo cidkasta uu muuqda – qaarkood waa sida dhaqanku yahay laftiisa bulshada dhexdeeda.

Gabdhuhu turaaxad way xirtaan, iskoolba yay u xiran. Dhalinyaradu macnadarrida baraha bulshada way u jabeen. Dhalinyarada, siiba wiilasha iskoollada dhigta maandooriyaha dhaxdooda waa uu ka jiraa – laakiin heerka darnaantiisu gaarsan tahay waa arrin aan si dhab ah loo ogayn oo baaris u baahan. Tan ugu daran, daawashada iyo wadaajinta filimada galmada waa wax ka dhexjira dhalinyarada, xitaa kuwa iskoollada dhigta – haddiiba ay iyagu ahayn qeybta ugu daran ee ku saamooba. Rakaataynta iyo in gabdho muuqaallo laga duubo waa wax dhacay oo arday ku dhacay. Middan dambe, waxaa igu maqaal ah dhacdo ka dhacday iskool weyn oo magaalada magac ku leh.

Intaasi dhaliilo ma noqon karaan ee waa xaqiiqo isdiidsiin.

Filinku waxa uu qalayaa milil gaaxsan oo bulshada foolka kaga yaalla. Mililna korkiisa la ma dhayo.

Dhankayga, illaa hadda inta aan arkay, filinku waxa uu ku dhaliilan yahay sawirka wada qurxan ee uu waxbarashada iyo ardaynimada ka bixinayo. Way asiibeen muujinta kala duwanaanta nololeed ee ardayda oo lagu baraarugayo marka ay iskoolka imaanayaan. In baa bas iskool ku imaanaysa, in baa cagahooda maalaya, inna bajaaj oo mid ayaaba milkiile bajaaj ah, midna waxaa lagu keenayaa gaari qaas ah. Waa sawirka heerarka dhaqaale ee bulshadeena.

Filinku waxa uu aad uga gaabiyay in uu si dhab ah u sawiro xaqiiqada goobaha waxbarashada oo u badan kuwo aan degaan ahaan u suubanayn waxbarasho oo aan barkood dugsi lagu sheegi karin. Waxa aad mooddaa in la qaatay tusaalaha dhifta ah ee dugsiga fiican – marka laga eego quruxda dugsiga! Wali ma hubno, laakiin tayaxumada macallinka iyo manhajka Soomaaliyeed haddii uu wax ka sheegin filinku waa uu dhaliilan yahay oo miraayad iyo dhaymo bulsheed ma noqon karo. Kaliya waxa uu noqonayaa sawirro bandhigan, wirwir ah, maaweellana aan dhaafsanayn.

Maxamed Sheekh Cismaan “Edmondo”


Waxaa qoray, Maxamed Trunji

Qoraalkan ma ahan qof-ka-hadal (biography) ku saabsan Maxamed Sheekh Cismaan Xayle “Edmondo” (1913 - 1958). Waa ka sheekeyn ku saabsan ninkaa, siyaasi uu magaciisu meel muuqata ka joogay saaxada siyaasadda Soomaaliya dabaqyaaqadii Dagaalkii Labaad ee Dunida. Maxamed “Edmondo” (ma ahan “Il Mundo” sida khaldan ee lagu sheego), waxa uu ku dhashay degaan ku yiil duleedka Muqdisho sanadkii 1913. Da’da toban jir ayuu ku agoontoobay, waxa uu Muqdisho ugu yimid eeddadii si uu ula noolaado. Nasiibdarro iyadana muddo yar ka dib ayay geeriyootay. Ka dib waxaa lagu daray koleejada Consolata Beyt ar-Raas ee Mishinarigii Katooliga halkaas oo uu Maxamed Sheekh Cismaan isaga oo yar dugsiga hoose uga aflaxay.

Sanadkii 1932 ayaa laga shaqaalaysiisay maamulkii Royal Government of Somalia, isaga oo karaani ka noqday maamulka waddooyinka-tareennada. Waxaa xigay, isaga oo aan shaqaale ka dallacin in meelo kale loo bedbeddelo; dawladda dhexe, sanaddo badan iyo shaqooyin goobo kala duwan sida Mustaxiil, Baraawe iyo Marka. Ugu dambayn,  shaqaale qunsuliyad ayuu noqday. Qunsuliyadda Guud ee Talyaaniga, Bombaay (Hindiya) ayuu ka shaqeeyay, ka dibna tan Cadmeed ee Yeman. Sanadkii 1939 ayuu dalkiisa ku soo laabtay oo waxaa loo diray Komosaariyaha Shabeellada Sare.

Markii Ingariisku wada qabsaday Soomaaliya, shaqadii maamulka waa uu isaga tagay, isaga oo u go’ay howlo ganacsi yaryar oo si muuqata ayuu ugu biiray noloshii siyaasadeed.

Aragtiyihiisa siyaasadeed waayaha ayay la korayeen: 1946 ayuu ku biiray Ururkii Leegada oo u noqday Xoghayaha xafiiska Beladweyn. Sanadkii 1947 wuu isaga tagay Leegada waxa uu na ku biiray xisbiga African Union of Somalia, oo uu hoggaan u noqday. Sanadkii 1956 magaca xisbigiisa ayuu u beddelay “Somali Democratic Party” walina isaga ayaa hoggaan u ahaa. Sanadkii 1958 waxa uu dib ugu biiray Leegada.

Markii Talyaanigu soo laabtay 1950, maamul wisaaya ahaan, oo ay Qaramada Midoobay u igmatay dowlad gaarsiinta Soomaaliya muddo gaaban oo tobanle ku siman, Maxamed Sheekh Cismaan illaa saddax jeer oo isxigxigta ayaa loo magacaabay Qunsul Dhuleed "Territorial Councilor" illaa 1956 jagadaa laga baabi’iyo. Dhowr mar ayuu Soomaaliya ku metelay Golihii Wisaayada iyo Kulanka Guud ee Qaramada Midoobay, mar walba isaga oo Soomaaliya ka socda. (Il Corriere della Somalia 20 June, 1958)

Sanadihii ugu horreeyay muddadii ximaayada waxaa jirtay xurguf siyaasadeed oo u dhaxeysa maamulkii Talyaaniga iyo xisibigii dalka aqlabiyadda ku lahaa ee SYL. Khilaafyada labada dhinac u dhaxeeyay waxaa sii huriyay garab istaagga ay xisbiyada “Pro-Talyanka” loo bixiyay ay ka helayeen maamulkii jiray. Iyada oo arrintu sidaa tahay, habeen ay ku began tahay 6 Maarso, 1952, Maxamed Sheekh Cismaan oo ahaa Qunsulka Dalka, ayaa iyada oo ay habeen gucur ah ay tahay waxaa qashqashaaday niman afar ah. Inta uu mid la hadlayay ayuu mid kale biskoolad kaga toogtay lugta iyo madaxa. Nasiibwanaaag Qunsulku waa ka badbaaday isaga oo uusan dhaawac weyn gaarin.

Booliiska ayaa fuliyay howlgal amni oo lagu baadigoobayo dadkii ka dambeeyay fal dambiyeedkaa waxuushnimada ah. Ilo Ingariis ah oo Muqdisho ku sugnaa ayaa xusaya in booliisku soo qabqabteen dad gaaraya 700 oo la la xiriirinayay iskudayga dil. Tirada ku xusan warbixinta Inagriiska (TNA  FO 371/96646, March 27, 1952) inkasta oo ay u egtahay mid aad loo ga badbadiyay, haddana waa la rumeysan yahay in dhowr qof lagu qabqabtay Muqdisho. In badan oo loo soo xiray in su’aalo la weyddiiyo  ayaa la sii daayay maalinkii xigay, halka qaar kale oo badan, gaar ahaan kuwa aan guryaha lahayn loo masaafuriyay degaannadii ay asal ka yimaadeen. Qunsulka shaki uga ma jirin in dambiilayaashu ahaayeen koox burcad ah oo la la xiriirinayo Leegada – oo astaanta xisbiga ayay xirnaayeen . Hasa ahaatee, Leegada ayaa fal dambiyeedkaa iska fogaysay, hoggaankeeduna waa uu cambaareeyay, inkasta oo loo arkayay iskudayga dil in ay iyaga ka dambeeyeen.

Maxamed Sheekh Cismaan iyo Qaddiyadda Soomaali Weyn

Maamulkii Talyaaniga oo ka gowsqaba guushii lexaadka lahayd ee 1954 Leegadu ka gaartay doorashadii golayaasha deegaanka, iyo waxtar la’aanta xisbiyadii yaryaraa ee uu maamulku laftiisa taageerayay, ayaa dhalisay in xisbiyadii yaryaraa ay isku noqdaan hal xisbi oo siyaasad leh, oo iskii isutaagi kara si uu u la tartarmo Leegada doorashooyinka mustaqbalka. Maamulku waxa uu aad uga walaacsanaa natiijada ka dhalan kartaa haddii uu ka tago nidaam xisbi kaliya ah – xorriyadda ka dib.

Natiijadii dhalatay ayaa noqotay xisbi siyaasadeed cusub oo la aasaasay 1954, magaciisuna yahay “Partito Democratico Somalo” (Xisbiga Dimuquraadiga Soomaaliyeed). Xisbigu waxa uu mideeyay xisbiyadii yaryaraa ee loo aqoon jiray Conferenza. Xisbiga cusub waxaa hoggaaminayay Cabdullaahi Xaaji Maxamuud “Insaaniya”, xubnaha kale ee xilalka hayay ay ka mid ahaayeen: Maxamed Muuse Faarax (Hoggaamiye ku xigeen), Maxamed Sheekh Cismaan “Edmondo” (Xoghaye Guud), iyo Xaaji Yaxye Maxamed (Madaxa Maaliyadda). (TNA FO 371/10810, July  26,  1958,  1954). Xisbigu waxa uu u ololaynayay in nidaamka bulsheed ee asalowga ah tartiib looga gudbo, iyada oo loo marayo hagaajin dhaqaale, bulsheed, siyaasadeed iyo dowladnimo nooceedu yahay jamhuuriyad midaysan oo leh maamul daadegsan. (Article 5, Somali Democratic Party Statute).

Siyaasi ahaan, Maxamed Sheekh Cismaan, mar walba waxa uu si cad oo wax-ku-ool ah u taageeri jiray siyaasad lagu doonayo in dib Soomaaliya loo gu soo celiyo dhul walba oo af Soomaali loo ga hadlo ee dalal kale hoostaga. Waxaa jira laba hadal oo xasuus leh oo uu ka jeediyay laba madal oo kala duwan oo uu ku taageeray qaddiyadda Soomaali Weyn.

(1) Isaga oo ka hadlaya martiqaad uu sameeyay, Danjire Giovanni Fornani, maamulaha cusub ee Soomaaliya loo soo magacaabay, Qunsul Maxamed Sheekh Cismaan ayaa muranka xudduudka Soomaaliya iyo Itoobiya waxa uu ka yiri:

Mushkiladda hadda werwerka nagu haysa waa midda ku saabsan xadaynta xudduudka nagala dhaxeeya Itoobiya. Waa mushkilad aan rabno in loo maareeyo qaab aan lagu tumanayn [aysan ahaynna in lagu tunto] gaabisyadeenna iyo baahiyaha dhaqaale ee dadkeenna illaa heer la hoosaasiyo xaquuqaheenna sharciga ah iyo danaheenna. (Il  Corriere della Somalia, 17 Aprile , 1950).

(2) Mar kale 4 Oktoobar, 1951, intii lagu gudajiray furitaanka kalkii saddaxaad ee Territorial Council oo Muqdisho ka dhacay, Qunsul Maxamed Sheekh Cismaan waxa uu Enrique De Marchena  (Jamhuuriyadda Domeenika), madaxii hawlgalka QM ee booqashada ku yimid la soo hadal qaaday arrinka xudduudka ku-meelgaar ah ee Itoobiya iyo dhibaatada dhaqaale ee uu Soomaaliya u horseedi karo haddii ay dhulkeeda wayso. Waxa uu yiri:

Aan ku dhaqsado in aan qiro; ma jiro Soomaali abid ka tanaasulay qaddiyadda Soomaali Weyn. Dhab ahaan, arrinka gaar baan u dhigannay intii ay socdeen wadahadalladii ku saabsanaa aayaha Soomaaliya ee ka dhacay Harada Success. Hasayeeshee, inta uusan Talyaanigu Ingariiska talada kala wareegin, xudduudaha saddax jeer baa la beddelay iyada oo aan marna lagu salayn isir iyo maangal midkoodna. Markii xudduudaha la bedbeddalayay innaga raalli ka ma ahayn, xitaa innaga oo diiddan ayaa xudduudaha la dhigayay lana beddelayay. Qeybaha hadda Soomaaliyada jirta laga gooyay waa dhul ku fiican beerashada iyo dhaqashada xoolaha, oo waliba loo badinayo inuu macadan hodan ku yahay. (Afis, Bollettino mensile, Novembre 1951, p, 7)

Xisbiga Dimuquraadiga Soomaaliyeed waa uu ku riiqday doorashooyinkii koowaad ee 1956, oo guud ahaan 3 kursi ayuu helay dalka oo dhan. Maxamed Sheekh Cismaan oo xisbigiisa ka socda ayaa loo doortay dibutaati (xildhibaan) ka soo gala Ceel-Buur. Golaha Sharcidejinta markii la yagleelay waxaa laga dhigay Xogahayaha Golaha.

Waxa uu ahaa codkar karaan leh, oo waxaa ka muuqday ka go’naan iyo aqoon mug leh marka uu ka doodayo mudnaanta su’aalaha lagu lafagurayo Baarlamaanka. Bogga tacsida ee wargeyska “Il Corriere della Somalia” ayaa tacsidiisa waxa uu ka qoray: “Maxamed Sheekh Cismaan oo marka koowaad ahaa Qunsul Dhuleed, mar dambena noqday Xildhibaan Golaha Sharcidejinta, waxa uu hadwalba doodaha u yeeli jiray xamaasad ay wehliso hadalka inuu dhexda uga dhaco. Taas marar qaar isqabqabsi ayay dhalisay. Tilmaan gaar ah oo muujinaysa sida nafjecleysiga ka maran ee uu howshiisa ugu diranaa. Doodihiisu markasta waxa ay ahaayeen kuwo cuskan ukuurgal soofaysan iyo aqoon ballaaran uu u lahaa arrinka laga doodayo.” (Il Corriere della Somalia 19, June, 1958)

Maxamed Sheekh Cismaan Xayle waxaa, 18 Juun, 1958, cimrigiisa gaabiyay xanuun uu muddo la ildarnaa, isaga oo aan wali dhamaysan muddo xileedkiisa koowaad ee xubinnimada Baarlamaanka, isaga oo aan wali arag madaxbannaanidii uu muddo dheer naawilayay oo ay ka harsan tahay in ka yar laba sano. Waxa uu ku aasan yahay Masjidka Sheekh Mukhtaar Sheekh Maxamed Cali Maye oo ku yaalla Wardhiigley, Muqdisho.

 

Cunto karis ayaan Baranayaa!


Billowgii curashada sanadka 2023 ayaan niyaystay in aan cunta karinta barto. Waxa ay ugu mudnayd dhowr arrimood oo ay ka mid tahay barashada far-qoraalka suubban (penmanship). Waligayba waan jeclaa barashada cunto karinta, waana qiimeeyaa dadka xirfad ahaan xariifiinta ku ah. Marar qaar ayaan daawan jiray; barnaamishyo telefeshinka ka baxa iyo muuqaallo la soo dhigo kanaallo YouTube, kaliya si aan marqaati uga noqdo sida cajiibka ah ay dadka barkood wax u kariyaan. Laakiin hadda marqaatinimadii waan ka baxay oo waxaa aan ku daawadaa indho ardayeed, oo casharro ayay ii yihiin muuqaallada cunta karinta ee aan daawado. İllaa hadda arday isu sii bogaya ayaan ahay!

Hooyaday ayaa waligayba igu dhiirrigalin jirtay in aan cunta karinta si fiican u barto. Hooyo waa dadka aad u taageera iskutiirsanaanta qofeed, in uu qofku iskii isbixin karo. Inta aan guriga ka soo maqanahay dhowr jeer ayay i weyddiisay "cunto maxaad u karsan waysay?" Oo ay si dhiirrin ah igu lahayd, "maad baratid oo aad karsatid?" Waxa aan marmarsiyo ka dhigan jiray, "meel aan wax ku karsado ma arkayo" ama "howlaha kale ayaan kaga mashquulayaa"...

Saaxiibaday qaar ka mid ah ayaa u qaadan waayay marka aan la wadaagay dhab ahaan in aan wax kariyo. La igu ma baran mise la igama filayn? Mid ay noqotaba iyaga oo howshayda la yaabban ayay bogaadiyeen oo ay igu ammaaneen.

Baahida ama aan dhaho danta iyo daruurada ayaa qofka nolosha barta. Illaa muddo aad ayaan aad uga maagay in aan iskuqaado, xitaa in aan iskudhibo xirafadda cunto karinta oo fiyoobiqabkayga iyo badbaadayda noole ahaan laga-ma-maarmaan u ah. Ugu dambayn, waan ku qasbanaaday inaan naftayda uga hiilliyo cunto maqaayadeed aan dhadhan lahayn oo aan dhibsaday. Waxa aan noqday qof samaysan kara cunto dhadhan leh, ugu yaraan aniga ii leh.

Cunto kasrisku ma dhib la’a, balse haddii ay dan ama daruufi keento loo ma adkaysan kari waayo. Caajiska howsha qabashadeeda ku meeran ayaa ugu xun – ugu yaraan aniga iigu daran. Illowse waa laga korayaa caajiska oo waa la qabitamayaa howsha haddii la joogteeyo, sida beryahan saddaxda ah aan tajrubo ahaan ku maray.

Waxa aan ku soo xirayaa, qof aan cunin cunto ay gacmihiisa sameeyeen cunto ma cunin, waayo cuntadaadu kaliya ma ahan cunto magaca iska wadata ee waa miraha daal iyo dedaalkaagii oo aad u bogayso xitaa haddii aysan macayn.

Marxab, Marxab yaa Ramadaan


Bisha Soonqaad waa bisha bilaha ugu mudan iyo marti mar-la-arag ah. Waxa ay mudnaanta ku huwatay in ay tahay bil khayreed oo barakaysan, bil ay axbaabtu adkeeyaan raadraaca xabiibkooda Muxammad () si ay u helaan jaceylka, raalli ahaanshaha iyo cafinta al-Muxib al-Macbuud (). Oo waa bil ay muslimiintu wehel ka yeeshaan oo ay kordhiyaan weynaynta iyo ku fekerka Qur’aanka Kariimka oo ah bayaan, hanuun iyo wacdi.

 يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ قَدْ جَآءَتْكُم مَّوْعِظَةٌۭ مِّن رَّبِّكُمْ وَشِفَآءٌۭ لِّمَا فِى ٱلصُّدُورِ وَهُدًۭى وَرَحْمَةٌۭ لِّلْمُؤْمِنِينَ     ۝

Markasta oo aan saddaxdaa duluc arko waxaa igu soo dhaca bog ka mid ah suuradda Aala-Cimraan oo runtii ah nuxurro ashqaraar gudban leh.

Bogga 67aad ee suuradda Aala-Cimraan waxaa si xeel fog uga muuqata burhaanta Qur’aanka. Bogga waxaa duluc ahaan udub-dhexaad u ah ayaadda saddaxaad ee ugu dambaysa. Waa aayad laga fahmayo qaar ka mid ah tilmaamaha Qur’aanka; bayaan, hanuun iyo wacdi. Qur’aanku sidaas oo kale ayuu mar yahay marag (qofkii aroortii akhriya) xasuusin, naxariis, dhaymo iyo dhambaal sharfan.

Bogga oo dhan waa siddeed ayaadood oo gaagaaban. Waa siddeed ayaadood oo sida ugu ebyan uguna nuxur badan u gudbinaya casharro nololeed. Macna badnidooda iyo xiriirkooda ayaa feker iyo u fiirsi ku dhalinaya qofka uusan qalbigiisu hilmaan daboolin.

Intan yar ee soo socota ma ahan tafsiir, xaasha’! Kaliya waa u fiirsi iyo tarjumaad fudud (macnaha dhow).

Aayadda koowaad ee bogga, oo ah aayadda 133 ee Aal-Cimraan, waxa ay ku billaabanaysaa fartiin ah in dambidhaafka Alle (iyo jannadiisaba loo harjado.

Waxaa ku xiga faadiilooyinka samafalayaasha ee uu Alle jecelyahay; kuwa wax baxsada xilliga adag iyo xilliga la ladan yahay labadaba; kuwa carada xakameeya; kuwa dadka cafiya. Dhammaan waa wanaagyada samafalayaasha Alle jecel yahay; waa dhaqanka ruux iyo qalbi walba oo fiyoobi loo tirinayo – dadka oo dhamina waa ay wada jecelyihiin.

Labada aayad ee xiga, waxa uu Alle (addoomadiisa u sheegayaa; cidda kaliya ee dambiyada wada dhaafta in uu Alle yahay. Marba haddii dadku faaxishada iyo dulmiga naftooda Alle dambidhaaf ka waydiistaan oo sii wadiddeedana ay ka waantoobaan; Ilaahey ayaa abaalkooda ka dhigaya dambiga oo loo dhaafo iyo janno ay ku waarayaan.


Ramadaan waa bil cibaado, Bishii Qur’aanka iyo dambidhaafka. Sida ay caarifiin iyo waliyo Alle qireenna waa bil nuur oo barakooyinkeeda sidata. Waa bil aan dhankayga riyaaq iyo kalgacal ku soo dhaweeyo bilashadeeda. Sanadkan waxa aan rabaa in aan ugu faa’iidaysto cibaado hagaagsan, waajib iyo dheeraadba. Waxa aan sugayaa gudashada cibaadooyinka; nafta ayaan hagaajinayaa (tazkiyah), Qur’aanka ayaan khatmooyin akhrinayaa, waliba in door ah ka xifdinayaa, oo tawbad dhowaansho leh ayaan Rabbi xaggiisa ula laabanayaa.

Saddaxdaa arrin sida aan u samaynayo iyo dhabbaha manhajeed ee aan raacayo qoraallo gaagaaban ayaan ka qorayaa, haddii Alle raalli ka noqdo.